HomeWararGolaha Wasiirada Jubbaland oo ka shiray Amniga iyo dagaalka ka dhanka ah...

Golaha Wasiirada Jubbaland oo ka shiray Amniga iyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada oo diirada lagu saarayay arimaha amniga iyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab. Ugu horayn Madaxweynaha ayaa Golaha la wadaagay waxyaabahii kasoo baxay shirkii madasha wadatashiga ee Magaalada Muqdisho dhawaan kusoo gaba gaboobay oo qodobada kasoo baxay ay kamid […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada oo diirada lagu saarayay arimaha amniga iyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Ugu horayn Madaxweynaha ayaa Golaha la wadaagay waxyaabahii kasoo baxay shirkii madasha wadatashiga ee Magaalada Muqdisho dhawaan kusoo gaba gaboobay oo qodobada kasoo baxay ay kamid ahayd dardar galinta dagaalada la dhanka ah argagixisada.

- Advertisement -

Golaha ayaa falanqayn dheer ka yeeshay abaabulka bulshada iyo Dowlada ee howlgalada ka dhanka ah argagixisada sidii loo dardar galin lahaa iyadoo la kaashanayo bulshada. Waxaana la dhisay guddiyada ka shaqayn lahaa howshaas oo kala ah.

1- Guddiga Hogaaminta Qorshaha Howlgalka midaysan ee la dagaalanka Argagixisada & Horumarinta Amniga Deegaanada Jubaland.

2- Guddiga Taakuleynta & Gurmadka ee Qorshaha Howlgalka midaysan ee la dagaalanka & Horumarinta Amniga Deegaanada Jubaland.

- Advertisement -

3- Guddiga Abaabulka & Wacyigalinta Qorshaha Howlgalka midaysan ee la dagaalanka waxa loogu Argagixisada & Horumarinta Amniga Deegaanada Jubaland.

Guddiyadan waxaa ay ka kooban yihiin laamaha kala duwan ee Dowlada iyo bulshada qeybaheeda kala duwan kuwaas oo sida ugu dhakhsiyaha badan u howlgalaya.

Latest stories