HomeWararDowladda Somalia iyo Shiinaha oo isku raacay ka wadashaqeynta Arrin muhiim ah

Dowladda Somalia iyo Shiinaha oo isku raacay ka wadashaqeynta Arrin muhiim ah

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Isaaq Maxamuud Mursal, ayaa ku qaabilay maanta Magaalada Muqdisho , Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Fei Shengchao, isagoo kala hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal ee saaxiibada ah. Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ayaa uga mahadceliyey shacabka […]

- Advertisement -

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Isaaq Maxamuud Mursal, ayaa ku qaabilay maanta Magaalada Muqdisho , Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Fei Shengchao, isagoo kala hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal ee saaxiibada ah.

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ayaa uga mahadceliyey shacabka iyo dowladda Shiinaha taageerada aan shuruudda lahayn ee ay la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Isaaq Mursal ayaa uga mahadceliyay Danjire Fei Shengchao taageerada joogtada ah ee Shiinaha la garab taagan yahay Soomaaliya si loo yareeyo naxdinta abaarta daba dheeraatay.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii la isaga kaashan lahaa arrimaha caalamiga iyo kuwa gobolka ee muhiimadda u leh labada dal si gaar ah la dagaalanka argagixisada, ganacsiga, dhaqaalaha, beeraha iyo kalluumaysiga.

Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga iyo Safiirka Shiinaha ayaa waxa ay xaqiijiyeen in xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal uu yahay mid ku qotoma xushmad is-dhaafsiga, dhowridda madaxbanaanida, qarannimada, midnimada dhuleed iyo madaxbanaanida siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha, iyaga oo isku raacay in si dhow looga wada shaqeeyo xoojinta isuduwidda si loo ilaaliyo xeerarka iyo mabaadi’da caalamiga ah.

Latest stories