HomeWararAl-Shabaab oo war kasoo saaaray dagaaladii ugu dambeeyay

Al-Shabaab oo war kasoo saaaray dagaaladii ugu dambeeyay

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa war kasoo saaray gulufka iyo dagaallada ka dhanka ah ee maal-mihii ugu dambeeyay ay iska kaashanayeen Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo melleyshiyo beleedyada hubeysan ee AL-Shabaab dagaalka kula jira. Afhayeenka Guud ee dagaalamayaasha AL-Shabaab ayaa war kasoo saaray dagaalada maalmihii ugu dambeeyay ka socday Gobollada dalka, kuwaasi oo Dowladda Soomaaliya ay sheegtay […]

- Advertisement -

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa war kasoo saaray gulufka iyo dagaallada ka dhanka ah ee maal-mihii ugu dambeeyay ay iska kaashanayeen Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo melleyshiyo beleedyada hubeysan ee AL-Shabaab dagaalka kula jira.

Afhayeenka Guud ee dagaalamayaasha AL-Shabaab ayaa war kasoo saaray dagaalada maalmihii ugu dambeeyay ka socday Gobollada dalka, kuwaasi oo Dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay khasaaare Xooggan gaarsiiyay Al-Shabaab.

- Advertisement -

Afhayeenka Al-Shabaab oo la hadlayay dagaalamayaal la sheegay in tababar loo soo xiray, ayaa jeediyay khudbad oo dhinacyo badan kaga hadlay oo ku aaddan dagaalka ay kula jiraan Dowladda Soomaaliya iyo xaaaladaha guud ee dagaaladii ugu dambeeyay.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa kusoo qaatay dagaalada ay kala kulmeen qaar ka mid ah Beelaha Gobolada Galgaduud, Mudug iyo Hiiraan,waxaana uu sheegay in ay la dagaalami doonaan cid waliba oo ka hor timaadda, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh ayuu sheegay in ay la gali doonaan dagaal Culus, inkastoo horay Madaxweyne Xasan Sheekh uu dhankiisa shaaciyay in xeelado Cusub iyo qaab kale ay ku wajihi doonaan dagaalka, waxaana tan iyo wixii markaasi ka dambeeyay billawday dagaallo Culus oo labada dhinac ka dhexeeya, waxaana wajiga Cusub ee dagaalka Al-Shabaab kusoo kordhay Melleyshiyo beleedyo is abaaabulay oo gacan ka helaya dowladda,kuwaasi oo ku dhawaaqay in ay Al-Shabaab la dagaalami doonaan.

- Advertisement -

Dhanka kale Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda soo saartay War-saxaafadeed ay kaga hadlayso dagaaladii ugu dambeeyay ee ay Al-Shabaab la galeen, waxaana Qoraalka Dowladda lagu sheegay in khasaaro badan ay gaarsiiyeen AL-Shabaab.

Latest stories