HomeWararAxmed Madoobe oo Xildhibaanada BFS ee Jubaland kala hadlay dagaalka ka dhanka...

Axmed Madoobe oo Xildhibaanada BFS ee Jubaland kala hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa kulan casho sharaf ah la qaatay Xildhibaanada Baarlamaanka ee laga soo doortay Jubbaland iyo qaar kamid ah xubnaha Xukuumada ku matala Maamulkaas. Kulankan ayaa ahaa kala warqaadasho iyo dardaaran uu Madaxweynahu la qaatay mas’uuliyiinta kala duwan ee Maamulka Jubbaland ku matala Dowlada Federaalka ah ee […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa kulan casho sharaf ah la qaatay Xildhibaanada Baarlamaanka ee laga soo doortay Jubbaland iyo qaar kamid ah xubnaha Xukuumada ku matala Maamulkaas.

Kulankan ayaa ahaa kala warqaadasho iyo dardaaran uu Madaxweynahu la qaatay mas’uuliyiinta kala duwan ee Maamulka Jubbaland ku matala Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya.

- Advertisement -

Kulanka ayaa lagaga hadlay sidii xildhibaanada iyo xubnaha kale ee Jubbakand ku matala Dowlada Federaalka ah ay ugu soo noqon lahayeen deegaanka, isla markana ay ugu kuur gali lahayeen dadaalada socda iyo howlgalada dhawaan bilaabanaya ee lagula dagaalamayo Al-shabaab

Madaxweynaha ayaa Xildhibaanada iyo masuuliyiinta kalaba ku casuumay kulan wadatashi ah oo bartamaha bisha soo socota ka dhacaya Jubbaland, isla markana lagu eegi doono dadaalaada miro dhalka ah iyo howlgalada lagula dagaalamayo Al-shabaab.

Xildhibaanada ayaa Madaxweyne Axmed Madoobe uga mahadceliyay kulankii dhacay iyo sida uu ugu casuumay kulanka wadatashiga ah, iyagoona sheegay inay ka qeyb noqon doonaan dadaalada ka socda deegaanada Maamulkaasi.

Latest stories