HomeWararXubno ka tirsan Al-shabaab oo Howlgal lagu dilay iyo Dowladda oo ka...

Xubno ka tirsan Al-shabaab oo Howlgal lagu dilay iyo Dowladda oo ka hadashay

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay howlgal qorsheysa oo Ciidanka Xoogga dalka ka fuliyeen deegaanka Abooreey oo qiyaastii 25-KM dhanka bari kaga beegan degmada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle. War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka oo dhacay saqdii dhexe ee xalay uu ka dhashay khasaaro isugu jiray dhimasho […]

- Advertisement -

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay howlgal qorsheysa oo Ciidanka Xoogga dalka ka fuliyeen deegaanka Abooreey oo qiyaastii 25-KM dhanka bari kaga beegan degmada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka oo dhacay saqdii dhexe ee xalay uu ka dhashay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray Ciidanka dowladda Federaalka iyo Al-shabaab.

- Advertisement -

Warka ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka oo ka dambeeyay dagaal dhacay lagu dilay in ka badan 30 ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-Shabaab oo ku sugnaa Abooreey, waa sida hadalka loo dhigay, halka dhanka dowladda ay ka dhaawacmeen 5 Askari.

“Dagaaladii ugu danbeeyay ee ciidanka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed oo iskaashanaya ay la galeen Shabaab waxaa lagu dilay in ka badan 150 Al-Shabaab ah, waxaana laga saaray deegaanno badan” ayaa lagu yiri Qoraalka Wasaaradda.

Deegaanka Abooreey oo qiyaastii 25-KM dhanka bari kaga beegan degmada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle ayaa waxaa dhowaan la wareegay ciidanka xoogga dalka, waxaana la sheegay in Shabaabka uu deegaankaas u ahaa mid muhiim ah.

- Advertisement -

Hoos ka Akhriso Qoraalka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda

 

Latest stories