HomeWararMuxuu Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay Madaxweynaha Bangiga Adduunka?

Muxuu Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay Madaxweynaha Bangiga Adduunka?

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Madaxweynaha Bangiga Adduunka David Malpass ayaa kala hadlay  dhameystirka barnaamijka deyn cafinta iyo in mashaariicda hormarineed ee deeq-bixiyeyaasha caalamka lagu saleeyo baahida dalka. Madaxweynaha ayaa soo bandhigay fursadaha maalgashi ee ka jira dalka, waxa uuna la wadaagay Bangiga Adduunka, qeybaha ay danaynayso Dowladda Federaalka […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Madaxweynaha Bangiga Adduunka David Malpass ayaa kala hadlay  dhameystirka barnaamijka deyn cafinta iyo in mashaariicda hormarineed ee deeq-bixiyeyaasha caalamka lagu saleeyo baahida dalka.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay fursadaha maalgashi ee ka jira dalka, waxa uuna la wadaagay Bangiga Adduunka, qeybaha ay danaynayso Dowladda Federaalka Soomaaliya in lagu jiheeyo mashaariicda laga fuliyo dalka, qeybahaas oo ay ka mid yihiin, tacliinta, kalluumaysiga, aqoonta beeraha iyo kobcinta ganacsiga gaar ka loo leeyahay, si loo kordhiyo dhaqaalaha iyo dakhliga.

- Advertisement -

David Malpass ayaa soo dhaweeyey aragtida Madaxweynaha ee la xiriirta dib u qaabeynta mashaariicda horumarineed ee ay ka fuliyaan dalka, waxa uuna tilmaamay in talooyinka iyo soo-jeedinta Madaxweynaha ay ku saleynayaan qorshahooda, sidoo kalena ay dib u habeyn ku sameynayaan dhinacyada ay xoogga saaraan mashaariicda Bangiga Adduunku.

Mudane David Malpass ayaa ku bogaadiyey shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed sida ay uga go’an tahay horumarinta hannaanka dhaqaalaha, deyn cafinta, dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha iyo xal u helista duruufaha soo laalaabtay oo ay ka mid tahay abaaraha iyo fataahadaha.

Ugu danbeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey hay’adda IMF taageerada ay siiyaan dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo ku adkeeyey in ay sii waddan garab istaaggooda ay u muujiyeen Shacabka Soomaaliyeed.

Latest stories