HomeWararMadaxweyne Xasan Sheekh oo Warbixin siiyay Jaaliyadda Somaliyeed ee dalka Mareykanka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Warbixin siiyay Jaaliyadda Somaliyeed ee dalka Mareykanka

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Maraykanka, isaga oo la wadaagay fursadaha maalgashi ee ka jira dalka, qorshaha dowlad dhiska, la dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha. Madaxweynaha ayaa Jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee uu la kulmay, uga warramay xaaladda guud […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Maraykanka, isaga oo la wadaagay fursadaha maalgashi ee ka jira dalka, qorshaha dowlad dhiska, la dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Madaxweynaha ayaa Jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee uu la kulmay, uga warramay xaaladda guud ee dalka, waxa uuna xusay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ahmiyad weyn siineyso kobcinta dhaqaalaha iyo maalgashiga dalka, xoojinta amniga, shaqo abuurka dhallinyarada iyo dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Madaxweynaha ayaa sheegay in Qurbajoogta Soomaaliyeed ay saameyn wanaagsan ku leeyihiin horumarka dalka, waxa uuna ka rajeeyey in ay xoojiyaan maalgashiga dalka iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay tilmaamay in diblumaasiyadda Soomaaliya ay mudnaanta siineyso hagaajinta xiriirka dalkeennu uu la leeyahay caalamka, si aan iskaashi buuxa ugu helno duruufaha dib dhigay dadka Soomaaliyeed.

Dhankaooda, Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Maraykanka oo ay ka mid ahaayeen masuuliyiin dalka xilal ka soo qabtay, ayaa Madaxweynaha u xaqiijiyey sida ay uga go’an tahay in ay dhaqaalahooda iyo cilmigoodaba ku soo celiyaan dalka, doorna uga qaataan dhismaha dowladnimada Soomaaliya, dib u heshiisiinta iyo gurmadka dadka ku dhibaateysan abaaraha ka jira deegaanno badan oo ka mid ah gobollada dalka.

Latest stories