HomeWararGuudlaawe iyo ku-xigeenkiisa oo War kasoo saaray Nabaddoonadii lagu dilay Hiiraan

Guudlaawe iyo ku-xigeenkiisa oo War kasoo saaray Nabaddoonadii lagu dilay Hiiraan

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Madaxweyne ku-xigeenka Yuusuf Axmed Hagar Gaba-geed ayaa ka tacsiyeeyay geerida Marxuumiinta kala nabadoon Yuusuf Fiidoow Faarax, Wiil uu dhalay oo lagu Magacaabi jiray Ibraahin Yuusuf Fiidow iyo Nabadoon Muqtaar Xaaji oo ku geeriyooday qarax  meel ku dhow Buq aqable oo ay ku safrayeen. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuumiinta geeriyooday […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Madaxweyne ku-xigeenka Yuusuf Axmed Hagar Gaba-geed ayaa ka tacsiyeeyay geerida Marxuumiinta kala nabadoon Yuusuf Fiidoow Faarax, Wiil uu dhalay oo lagu Magacaabi jiray Ibraahin Yuusuf Fiidow iyo Nabadoon Muqtaar Xaaji oo ku geeriyooday qarax  meel ku dhow Buq aqable oo ay ku safrayeen.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuumiinta geeriyooday ay ahaayeen Nabadoono Indheergarad ah oo ka shaqeeynayay nabada iyo horumarka Gobolka Hiiraaan ,waxa uuna Alle uga baryay inuu qabriga u waaciyo naxariistiisa janno uu ka waraabiyo, qoyska iyo Ehelka ay ka baxeena uu samir iyo iimaan ka siiyo.

- Advertisement -

Madaxweynaha sidoo kale caafimaad deg deg ah alle uga rajeeyay Nabadoon Xuseen Xasan Lugyare oo ku dhaawacmay qaraxaas ka dhacay  meel ku dhow Buq aqable ee Gobolka Hiiraan

Dhanka kale  Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Madaxweyne ku-xigeenka Yuusuf Axmed Hagar Gaba-geed ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka qeybgalaan kacdoonka lagula dagaalamayo Al-shabaab.

Qaraxa ka dhacay deegaanka Aaqobeey ee Hiiraan ayaa waxaa lala beegsaday gaari ay saarnaayeen nabaddoono ay ku ku jireen nabadoon Yuusuf Fiidow  iyo wiilkiisa Ibraahim Yuusuf Fiidow, nabadoon Mukhtaar Xaaji iyo nabadoon Xasan Xuseen Lugayare, kuwaasi oo ku dhinta qaraxa, sidoo kalena lagu dhaawacay  nabaddoon Axmed Xasan.

Latest stories