HomeWararDowladda Federaalka oo sheegtay in la shirqoolay Nabaddoono lagu dilay Hiiraan

Dowladda Federaalka oo sheegtay in la shirqoolay Nabaddoono lagu dilay Hiiraan

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaareysay qaraxii lagu dilay nabadoono caan ka ahaa Gobolka Hiiraan, kuwaasi oo lagu qarxiyey deeegaanka Aaqobeey ee Gobolkaas. Wasaaradda ayaa sheegtay in falkaan lagu qarxiyey nabaddoonada uu ahaa shirqool iyo dhagar ay sheegeen inay Al-shabaab u dhigeen odoyaasha dhaqanka oo u socday in ay soo […]

- Advertisement -

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaareysay qaraxii lagu dilay nabadoono caan ka ahaa Gobolka Hiiraan, kuwaasi oo lagu qarxiyey deeegaanka Aaqobeey ee Gobolkaas.

Wasaaradda ayaa sheegtay in falkaan lagu qarxiyey nabaddoonada uu ahaa shirqool iyo dhagar ay sheegeen inay Al-shabaab u dhigeen odoyaasha dhaqanka oo u socday in ay soo daayaan shacab oo u afduubna, waa sida lagu sheegay War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda.

- Advertisement -

Sidoo kale Wasaaradda ayaa sheegtay in Al-shabaab ay wadada miino u geliyeen gaari ay ku safrayeen nabadoonada, xilli ay marayeen deeegaanka Aaqobeey oo ku yaalla inta u dhaxeysa Baladweyne iyo Buulaburde ee galbeedka Hiiraan.

Dowladda ayaa tacsi dirtay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan qoysaskii ay nabadoonnadu ka baxeen, waxayna ku baaqday in meel looga soo wada jeesto Shabaabka, waa sida hadalka u dhigtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Qaraxa ka dhacay deegaanka Aaqobeey ee Hiiraan ayaa waxaa lala beegsaday gaari ay saarnaayeen nabaddoono ay ku ku jireen nabadoon Yuusuf Fiidow  iyo wiilkiisa Ibraahim Yuusuf Fiidow, nabadoon Mukhtaar Xaaji iyo nabadoon Xasan Xuseen Lugayare, kuwaasi oo ku dhinta qaraxa, sidoo kalena lagu dhaawacay  nabaddoon Axmed Xasan.

- Advertisement -

Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegeen in gaariga ay saarnaayeen nabaddoonada lala beegsaday duqeyn diyaaradeed oo ay fulisay diyaarad ay leeyihiin Mareykanka, sidoo kalena duqeynta lagu dhaawacay nabaddoono kale.

Latest stories