HomeWararAkhriso: Guddoomiye Yuusuf Madaale oo Amar culus kasoo saaray Arrimaha Dhulalka

Akhriso: Guddoomiye Yuusuf Madaale oo Amar culus kasoo saaray Arrimaha Dhulalka

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaa amaro ka soo saaray Dhulalka gaarka loo leeyahay iyo kuwa Danta Guud. Guddoomiyaha ayaa si KMG ah u hakiyay dhammaan arrimaha la xariira Dhulalka, isagoona  faray Agaasimeyaasha shaqada ku leh Waaxahaas in illaa iyo amar danbe aan howllo la xariira dhul la qaban […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaa amaro ka soo saaray Dhulalka gaarka loo leeyahay iyo kuwa Danta Guud.

Guddoomiyaha ayaa si KMG ah u hakiyay dhammaan arrimaha la xariira Dhulalka, isagoona  faray Agaasimeyaasha shaqada ku leh Waaxahaas in illaa iyo amar danbe aan howllo la xariira dhul la qaban karin. Marka laga reebo Fasaxa Dhismaha.

- Advertisement -

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa ku celiyay in dhulalka iyo guryaha danta guud ee horey loo hakiyay ay weli sidoodii ugu jirayaan hakad, isagoo ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in aan kharash la iska gelin dhul dan guud ah, cidii ku dhiiratana ay iyadi qaadi doonto mas’uuliyadda.

Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed ee guryaha ku leh Caasimadda Muqdisho in ay iska hubiyaan cidda ay ka kireynayaan guryahood, isla markaana ay mariyaan nidaamka hubinta, si aysan ugu soo dhuuman kooxaha Argagaixisada, ciddii aan marin nidaamkaas oo lagu qabto guryahooda shaqsiyaad Argagixiso ama lagu fuliyo falal liddi ku ah Amniga ay qaadan doonaan masuuliyadda, dowladdana ay tallaabo ka qaadi doonto mulkiileyaasha guryahaas.

Dhanka kale, Guddoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa boggaadiyey Howlgalladii ugu danbeeyay oo ay Laamaha Ammaanka ka fuliyeen Caasimada Muqdisho, taas oo lagu soo qab-qabtay kooxo dhagar-qabeyaal ah iyo hubkooda, laguna fashiliyey dhagartii ay u maleegayeen dadka ku nool Gobolka Banaadir.

- Advertisement -

Duqa Muqdisho ayaa ugu baaqay bulshada Caasimadda in ay sii xoojiyaan la shaqeynta hay’adaha ammaanka, si wadajir looga hortago dhagaraha cadowga ee lagu baneysanayo nafta iyo maalka dadka  Soomaaliyeed.

Latest stories