HomeWararMadaxweynaha Puntland oo Maamulo cusub u magacaabay Gaalkacyo, Garoowe & Boosaaso

Madaxweynaha Puntland oo Maamulo cusub u magacaabay Gaalkacyo, Garoowe & Boosaaso

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 55 ee 15-ka Sibteembar 2022, kuna saabsan magacaabida Guddoomiyeyaasha iyo Guddoomiye ku-xigeenada degmooyinka Boosaaso, Garoowe iyo Gaalkacyo. Markuu arkay:  Dastuurka Maamulka Puntland Qodobkiisa 80aad. Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo. Markuu tixgaliyay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 55 ee 15-ka Sibteembar 2022, kuna saabsan magacaabida Guddoomiyeyaasha iyo Guddoomiye ku-xigeenada degmooyinka Boosaaso, Garoowe iyo Gaalkacyo.

Markuu arkay:  Dastuurka Maamulka Puntland Qodobkiisa 80aad.

- Advertisement -

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo.

Markuu tixgaliyay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

- Advertisement -

1-Waxaa Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigaanka Degmadda Boosaaso si ku-meel gaar ah loogu magacaabaya;

B-Xasan Cabdalle Xasan Guddoomiyaha Degmadda Boosaaso

T- Siciid Cabdiraxmaan Maxamed Guddoomiye Ku-xigeenka Degmadda Boosaaso.

2- Waxaa Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigaanka Degmadda Garoowe si ku-meel gaar ah loogu magacaabaya;

B- Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud (Geedi) Guddoomiyaha Degmadda Garoowe.

T- Maxamed Cali Maxamed (Xamari) Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Garoowe.

3- Waxaa Guddoomiyaha Degmadda Gaalkacyo si ku-meel gaar ah loogu magacaabaya Xassan Maxamed Jaamac

4- Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa kala diray Golihii deegaanka degmada Garoowe, iyadoo horey uga kala diray Golihii deegaanada degmooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo ee Gobolada Bari iyo Mudug.

Latest stories