HomeWararMaamulka Jubbaland oo dalab u diray Beesha Caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed

Maamulka Jubbaland oo dalab u diray Beesha Caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed

Date:

Related stories

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, ayaa maanta shir guddoomiyey kulanka golaha wasiirada Jubaland, kaasi oo ka qabsoomay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose. Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha Amniga iyo Xaaladda abaaraha ka jira deegaanada Jubaland, iyadoo warbixintaa uu jeediyey Madaxweyne kuxigeenka Jubaland. Wasaarada amniga ayaa laga dhagaystay warbixinta […]

- Advertisement -

Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, ayaa maanta shir guddoomiyey kulanka golaha wasiirada Jubaland, kaasi oo ka qabsoomay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha Amniga iyo Xaaladda abaaraha ka jira deegaanada Jubaland, iyadoo warbixintaa uu jeediyey Madaxweyne kuxigeenka Jubaland.

- Advertisement -

Wasaarada amniga ayaa laga dhagaystay warbixinta amniga Jubaland ee todobaadkii tagay iyadoo wasaaradu ay ka warbixisay shaqooyinka u danbeeyay ee Wasaarada iyo hay’adaha amniga ay qabteen.

Wasaarada Gargaarka iyo maaraynta musiibooyinka ayaa ka warbixisay xaalada abaaraha iyo dadaalada ay Wasaarada oo kaashanaysa dhinacyada kala duwan ka wado meelaha Sida daran abaartu ay u saamaysay.

Madaxweyne Kuxigeenka Jubaland Maxamuud Sayyid Aadan ayaa baaq u diray ummadda Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka in ay ka qayb qaataan samata-bixinta dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Latest stories