HomeWararFaah faahin kasoo baxeysa Nabaddoon caan ahaa oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

Faah faahin kasoo baxeysa Nabaddoon caan ahaa oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Gelinkii dambe ee shalay kooxo hubeysan ayaa xaafad ka tirsan degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ku dishay Nabaddoon caan ka ahaa gudaha degmadaas oo lagu magacaabi jiray Xuseen Xaayoow Xalane, isagoo u dhintay rasaas dhowr ah oo lagu dhuftay. Goobjoogayaal ayaa ku warramay in rag dhallinyaro ah oo hubeysan ay dileen Nabaddoon Xuseen Xaayoow, xilli […]

- Advertisement -

Gelinkii dambe ee shalay kooxo hubeysan ayaa xaafad ka tirsan degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ku dishay Nabaddoon caan ka ahaa gudaha degmadaas oo lagu magacaabi jiray Xuseen Xaayoow Xalane, isagoo u dhintay rasaas dhowr ah oo lagu dhuftay.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in rag dhallinyaro ah oo hubeysan ay dileen Nabaddoon Xuseen Xaayoow, xilli uu ku sugnaa garaash ku yaalla degmada Yaaqshiid, isla markaana uu ku sameysanayey gaari uu lahaa, sida la tilmaamay.

- Advertisement -

Dadkii ka dambeeyay dilkaas khaarijinta ahaa ayaa si deg deg ah goobta uga baxsaday, waxaana sidada caadada aheyd tegay halka uu falka ka dhacay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda oo Meydka u qaaday dhanka Xarunta dembi baarista ee CID-da.

Wel lama oga sababta loo dilay Nabadoon Xuseen Xaayoow Xalane, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan inuu kamid ahaa Odayaasha hormuudka u ah dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee dadka deegaanka ay ka wadaan Gobolka Hiiraan.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa mararka qaarkood ka dhaca falal amni darro oo ay geystaan rag hubeysan, iyadoo horey dadka kunool Caasimadda ay cabasho ka ahaayeen kooxo burcad ah oo dadka dhaca kadibna dil u geysta.

Latest stories