HomeWararAkhriso: Puntland oo ka hortimid tallaabo ay qaaday Dowladda Federaalka farriina dirtay

Akhriso: Puntland oo ka hortimid tallaabo ay qaaday Dowladda Federaalka farriina dirtay

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Dowlad Goboleedka Puntland ee uu hoggaamiyo Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shaacisay inay kasoo horjeedo dhaq-dhaqaaqyada ay wado dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku saabsan arrimaha Shidaalka dalka. War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa waxaa marka hore lagu sheegay in soo dhaweynayaan in laga faa’iideysto kheyraadka dabiiciga ah, iyadoo la raacayo dastuurka KMG ah ee dowladda. Puntland […]

- Advertisement -

Dowlad Goboleedka Puntland ee uu hoggaamiyo Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shaacisay inay kasoo horjeedo dhaq-dhaqaaqyada ay wado dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku saabsan arrimaha Shidaalka dalka.

War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa waxaa marka hore lagu sheegay in soo dhaweynayaan in laga faa’iideysto kheyraadka dabiiciga ah, iyadoo la raacayo dastuurka KMG ah ee dowladda.

- Advertisement -

Puntland ayaa tilmaamtay in muhiim ay tahay in qeybsiga kheyraadka dabiiciga ah uu noqdo mid dhisan wada xaajood iyo is afgarad dhexmara dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad Goboleedyada dalka.

Sidoo kale Maamulka Puntland ayaa sheegay in aad uga xun yihiin in dowladda Federaalka ay ku adkeysaneyso ku dhaqanka iyo hirgelinta  hindise sharciyeedka Batroolka ee khilaafksan dastuurka KMG ah ee dowladda Soomaaliya.

Puntland ayaa ugu baaqday saaxiibada caalamka ee Soomaaliya inay taageeraan ku dhaqanka dastuurka Federaalka, heshiisyada sharciga ah iyo qaab-dhismeedkooda, kuwaas oo ay door muhiim ah ku laheyd aas-aaskooda.

- Advertisement -

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Puntland

Latest stories