HomeWararMaamul goboleedyada oo DF ka dalbaday inay fasaxdo lacag ka timid Imaaraadka

Maamul goboleedyada oo DF ka dalbaday inay fasaxdo lacag ka timid Imaaraadka

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Mas’uuliyiinta gargaarka ee maamul goboleedyada ayaa ugu baaqay dawladda dhexe ee federaalka Soomaaliya in la fasaxo deeqaha loogu talogalay wax ka qabashada abaaraha. Kadib kulamo saddex maalmood ah oo wasiirrada wasaaradaha bani’aadminnimo ay ku yeesheen magaalada Baydhaba ayey ka codsadeen dawladda federaalka in lasoo fasaxo lacag dhan $9.6 milyan oo dollar oo dawladda Imaaraadka Carabtu […]

- Advertisement -

Mas’uuliyiinta gargaarka ee maamul goboleedyada ayaa ugu baaqay dawladda dhexe ee federaalka Soomaaliya in la fasaxo deeqaha loogu talogalay wax ka qabashada abaaraha.

Kadib kulamo saddex maalmood ah oo wasiirrada wasaaradaha bani’aadminnimo ay ku yeesheen magaalada Baydhaba ayey ka codsadeen dawladda federaalka in lasoo fasaxo lacag dhan $9.6 milyan oo dollar oo dawladda Imaaraadka Carabtu ay ugu deeqday wax ka qabashada abaaraha.

- Advertisement -

Dawladda Soomaaliya ayaan markiiba ka jawaabin baaqa kasoo yeeray wasiirrada gargaarka bani’aadaminnimo ee maamul goboleedyada.
Dhinaca kale, mas’uuliyiinta gargaarka ee heer maamul goboleed ayaa sheegay inay maalin walba xaaladda bani’aadaminnmo ee dalka ay sii adkaanayso.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in hay’adaha gargaarku ay ka digeen in macluul ka dhici karto meelo ka mid aha waddanka bilaha October iyo December haddii aan la helin gargaarka looga hortago dhibaatada bani’aadaminnimo.

Wasiirrada arrimaha bani’aadaminnimo ee heer maamul goboleed ayaa dhinaca kale ugu baaqay hay’adaha gargaarka caalamiga ah inay diiradda saaraan meelaha ay adagtahay in la gaaro si loo caawiyo dadka dhibaataysan, waxna looga qabto barakaca dadka ee goobahaas.

Latest stories