HomeWararMadaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi la socday oo u dhoofay Mareykanka +...

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi la socday oo u dhoofay Mareykanka + ujeedka

Date:

Related stories

Somalia Completes First Legal Internship for 34 Women Lawyers

Thirty-four women lawyers complete Somalia's first national legal empowerment internship, boosting female representation across courts and prosecution services.

Turkiga oo $1 bilyan maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay e-Visa

Turkiga oo $1 bilyan ku maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay muwaadiniinta Soomaaliyeed nidaamka e-Visa, iyadoo ay tahay inay fiisooyinka ka soo gudbiyaan safaaradaha. Soomaaliya ayaa la filayaa inay ka wada hadasho Turkiga si loo xalliyo arrintan.

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay dalka Maraykanka, halkaas oo uu kaga qeyb geli doono Meertada 77-aad ee Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey. Meertadan oo soconaysa inta u dhaxaysay 13-ka ilaa 27-ka Bishan ayaa lagaga arrinsanayaa yareynta saboolnimada iyo xasillooni darrada, horumarinta waxbarashada, shaqo abuurka dhallinyarada, […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay dalka Maraykanka, halkaas oo uu kaga qeyb geli doono Meertada 77-aad ee Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey.

Meertadan oo soconaysa inta u dhaxaysay 13-ka ilaa 27-ka Bishan ayaa lagaga arrinsanayaa yareynta saboolnimada iyo xasillooni darrada, horumarinta waxbarashada, shaqo abuurka dhallinyarada, xal u helidda musiibooyinka dabiciiga ah iyo xuquuqda dadka laga tirade badan yahay.

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdigiisa ayaa Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey waxa ay hordhigayaan aragtida iyo qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira la dagallanka saboolnimada iyo argagixisada, kuwaas oo ay shacabka Soomaaliyeed kala soo kulmeen dhibaato xooggan, haatanna la joogo xilligii laga gacan siin lahaa dowladda Soomaaliyeed in ay dhibaatadaas ka samata bixiso dadkeeda iyo guud ahaan Gobolka.

Madaxweynaha ayaa kulan doceedyo la yeelan doona Madaxda dalalka ka qeyb galaya Meertadan, hoggaanka hay’adaha iyo ururrada caalamiga ah ee ka soo qeyb galaya Meertada 77-aad ee Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey, si uu u adkeeyo doorka dalkeennu uu ku leeyahay fagaareyaasha caalamiga ah.

Latest stories