HomeWararXasan Sheekh oo ka qayb galay Xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha Kenya

Xasan Sheekh oo ka qayb galay Xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha Kenya

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Nayroobi kaga qeyb galay Xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee dalka Kenya Mudane William Samoei Ruto. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay ahmiyadda ay leedahay iskaashiga diblomaasiyadeed,  dhaqaale, ganacsi iyo bulsho oo ay yeeshaan dalalka dariska, si loo adkaado dhibaatooyinka saboolnimada, cunna yarida, faqriga, colaadaha, caqabadaha ka […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Nayroobi kaga qeyb galay Xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee dalka Kenya Mudane William Samoei Ruto.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay ahmiyadda ay leedahay iskaashiga diblomaasiyadeed,  dhaqaale, ganacsi iyo bulsho oo ay yeeshaan dalalka dariska, si loo adkaado dhibaatooyinka saboolnimada, cunna yarida, faqriga, colaadaha, caqabadaha ka dhashay isbedelka cimillada ee saameeyey shucuubta Gobolka iyo guud ahaan qaaradda Afrika.

- Advertisement -

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka mid ah wafuud heer Caalami ah oo ka qeyb-gelay xafladda Caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda aan dariska nahay ee Kenya Mudane William Samoei Ruto.

Madaxweynaha waxaa ku wehelinayey munaasabaddan wafdi ay ka mid yihiin, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Abshir Cumar Huruuse, Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Mudane Maxamed Axmed Cali Doodishe, Wasiirka Wasaaradda Gamacsiga iyo Warshadaha Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aways Jaamac iyo Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada Mudane Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan.

Latest stories