HomeCaalamkaWilliam Ruto oo loo dhaariyey madaxweynaha Kenya

William Ruto oo loo dhaariyey madaxweynaha Kenya

Date:

Related stories

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Todd Blanche Officially Scraps $1.8B ‘Anti-Weaponization’ Fund

Acting AG Todd Blanche officially rescinds the $1.8B 'anti-weaponization' fund, clearing the path for his confirmation after a standoff with Sens. Cornyn and Tillis.

Blanche Oo Baabi’iyay Sanduuqii $1.8 Bilyan

Agaasimaha Hawlaha ee Wasaaradda Caddaaladda Todd Blanche ayaa si rasmi ah u baabi'iyay sanduuqa $1.8 bilyan,

William Ruto ayaa loo dhaariyey madaxweynaha cusub ee Kenya, xaflad ka dhacday garoonka weyn ee Moi International Sports Center Stadium ee magaalada caasimadda ah ee Nairobi. Madaxweynaha cusub ayaa loo dhaariye xilkaasi wax yar ka hor 1-dii duhurnimo, waxaana uu noqonayaa madaxweynihii shanaad ee soo mara Kenya. William Ruto, hoggaamiyaha xisbiga UDA, ayaa ku guulaystay […]

- Advertisement -

William Ruto ayaa loo dhaariyey madaxweynaha cusub ee Kenya, xaflad ka dhacday garoonka weyn ee Moi International Sports Center Stadium ee magaalada caasimadda ah ee Nairobi.

Madaxweynaha cusub ayaa loo dhaariye xilkaasi wax yar ka hor 1-dii duhurnimo, waxaana uu noqonayaa madaxweynihii shanaad ee soo mara Kenya.

- Advertisement -

William Ruto, hoggaamiyaha xisbiga UDA, ayaa ku guulaystay doorashadii dhacday 9-kii bishii Ogosto ee aynu soo dhaafnay.

Waxaa sidoo kale isna maanta xilka loo dhaariyey madaxweyne ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua.

Xafladda dhaarinta waxaa joogay madax ka socota caalamka oo ay ku jiraan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame, Madaxweynaha Tanzania Samiya Suluhu Xasan, iyo madaxweynayaal kale.

- Advertisement -

Ruto ayaa doorashada kaga adkaaday Raila Odinga oo markii shanaad xilkaas u tartamay, islamarkaana haystay taageerada madaxweynaha xilka ka degay Uhuru Kenyatta.

Ruto ayaa waxa sugaya shaqooyin ay ka mid yihiin mideynta shacabka Kenya, wax ka qabashada sicir-barar xooggan oo dalka ka taagan iyo sugidda amniga, ayada oo Kenya ay marar badan ka dhaceen weeraro ay sheegatay kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya.

Kahor dhaarinta, dhowr qof ayaa ku dhaawacmay kadib markii dadweyne ay isku dayeen inay xoog ku galaan halka xafladdu ka dhaceysay. Muuqaallo ay baahiyeen

taleefishinada ayaa muujiyey tobanaan qof oo isku dul dhacaya, mid ka mid ah albaabada laga galo garoonka.

Latest stories