HomeWararMilateriga Soomaaliya oo war kasoo saaray Howgalladii ugu dambeeyay ee G/Hiiraan

Milateriga Soomaaliya oo war kasoo saaray Howgalladii ugu dambeeyay ee G/Hiiraan

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Ciidamada milateriga ee Soomaaliya ayaa sheegay in weerarada ka socda gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya in lagu qabsaday illaa 20 tuulo oo gacanta ugu jiray  Al-Shabaab. Kabtan Maxamed Ibraahin Daa’uud oo ah taliye ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa VOA u sheegay Isniintii, in ciidamada milateriga iyo dadka deegaanka oo hubaysan oo is kaashanaya […]

- Advertisement -

Ciidamada milateriga ee Soomaaliya ayaa sheegay in weerarada ka socda gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya in lagu qabsaday illaa 20 tuulo oo gacanta ugu jiray  Al-Shabaab.

Kabtan Maxamed Ibraahin Daa’uud oo ah taliye ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa VOA u sheegay Isniintii, in ciidamada milateriga iyo dadka deegaanka oo hubaysan oo is kaashanaya inay dileen dagaalamayaal badan oo ka tirsan ururka Al-Shabaab, sidoo kalena ay xoreeyeen illaa 20 tuulo oo ay gacanta ku hayeen Alshabaab.

- Advertisement -

Taliyaha ayaa sheegay in tuulooyinka ay dib ula wareegeen ay ku jiraan, dhawr goobood oo muhiim ah oo ku yaalla gobolka Hiiraan, sida magaalada Fido woo u dhow xuduuda Soomaaliya ay la wadaagto Ethiopia.

Taliye Maxamed ayaa sheegay in ciidamadu ay gacanta ku dhigeen 20 xubnood oo ka tirsan ururka al-Shabaab. Wuxuu qiray in ciidamadu ay heleen taageero dhinaca cirka ah, xilliyadii ay socdeen hawlgallada, hase ahaatee ma magcaabin dalka taageerada cirka ah u fidiyey.

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hawlgalladani ay hordhac u yihiin tallaabooyin lagu hirgelinayo aragtida dawladda eek u aaddan la dagaalanka argagixisada iyo sidii al-Shabaab looga sifayn lahaa guud ahaan dalka.

Latest stories