HomeCaalamkaMidowga Afrika oo Soodhaweeyay baaq kasoo baxay Jabhadda TPLF

Midowga Afrika oo Soodhaweeyay baaq kasoo baxay Jabhadda TPLF

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Midowga Afrika ayaa soo dhaweeyay baaqa kasoo baxay jabhadda TPLF ee ah inay diyaar u yihiin inay ka qeyb qaataan wadahadallo nabadeed oo lagu soo afjarayo colaadda ka taagan waqooyiga Itoobiya. Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat, ayaa sheegay in hadalka TPLF uu yahay fursad naadir ah oo lagu joojinayo dagaalka. Wuxuu ugu baaqay […]

- Advertisement -

Midowga Afrika ayaa soo dhaweeyay baaqa kasoo baxay jabhadda TPLF ee ah inay diyaar u yihiin inay ka qeyb qaataan wadahadallo nabadeed oo lagu soo afjarayo colaadda ka taagan waqooyiga Itoobiya.

Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat, ayaa sheegay in hadalka TPLF uu yahay fursad naadir ah oo lagu joojinayo dagaalka.

- Advertisement -

Wuxuu ugu baaqay fallaagada iyo dowladda federaalka inay dhaqangeliyaan xabad joojin deg deg ah.

Dagaal ayaa mar kale dib uga qarxay Tigray bishii August kadib in muddo ah ay xaaladdu deggeneyd balse hoggaanka Tigray ayaa Axaddii sheegay inay diyaar u yihiin inay ka qeybgalaan wadahadallo nabadeed oo lagu joojinayo xiisadda.

Madaxda TPLF ayaa horey u dhaleeceeyay wadahadallada uu garwadeen ka ahaa Midowga Yurub iyagoo sheegay inay doorbidayaan in madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta uu horkaco wadahadallada.

- Advertisement -

Ilaa iyo hadda lama hayo wax war ah oo kasoo baxay dowladda Itoobiya oo ku aadan arrintani balse horaan dowladda waxay sheegtay in wakhti kasta ay diyaar u tahay wadahadallada lagu soo afjarayo colaadda gobolka Tigray.

Latest stories