HomeWararKhasaaro ka dhashay Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Gobolka Sanaaag

Khasaaro ka dhashay Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Gobolka Sanaaag

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Faah faahinno dheeraad ah ayaa laga helayaa Qaraxa Khasaaro dhaliyay oo xalay ka dhacy degaan lagu magacaabo Milxo oo  hoos yimaado Degmada Laasqoray ee Gbolka Sanaag, waxaana kasoo baxaya warar kala duwan oo ku aaddan Qaraxaasi iyo dil ka dhacay degaankaasi. Wararku waxaa ay sheegayaan in Xalay la qarxiyay Maqaayad ku taalla Degaankaasi, taasi oo […]

- Advertisement -

Faah faahinno dheeraad ah ayaa laga helayaa Qaraxa Khasaaro dhaliyay oo xalay ka dhacy degaan lagu magacaabo Milxo oo  hoos yimaado Degmada Laasqoray ee Gbolka Sanaag, waxaana kasoo baxaya warar kala duwan oo ku aaddan Qaraxaasi iyo dil ka dhacay degaankaasi.

Wararku waxaa ay sheegayaan in Xalay la qarxiyay Maqaayad ku taalla Degaankaasi, taasi oo ay ku sugnaayeen dad shacab ah, waxaana qaraxu uu ahaa Ismiidaamin.

- Advertisement -

Qofka fuliyay Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa Oromo, waxaana ku dhintay hal qof sida wararku tilmaamayaan, iyadoo ay jiraan dhawacyo soo gaaray dadkii ku sugnaa Maqaayadda Qaraxu ka dhacay.

Dadkii ku dhaawacmay Qaraaxai Ismiidaaminta ah ayaa dhaawacyadooda waxaa la gaarsiiyay Degmada Boosaaso ee Gobolka Bari, waxaaa sidoo kale dhaawacyo kale la gaarsiiyay Degmada Badhan ee isla Gobolkaasi.

Wali Maamulka iyo hay’adaha ammaanku wax war ah kama soo saarin Qaraxaasi, sidoo kale ma jirto  Cid sheegatay masuuliyadda weerarkaasi.

- Advertisement -

Dhanka kale degaanka Xalay Qaraxu ka dhacay waxaa shalay Galab lagu dlay Wil dhalinyaro, ilaa iyo haddana lama oga-sababta keentay dilkiisa.

horay degaankaasi waxaa weeraro kala duwan ku qaaday dagaalamayaasha Al-Shabaab, kuwaasi oo dagaallo Culus la galay dadka degaanka iyo Ciidanka Puntland ee ku sugan degaanadaasi, inkastoo AL-Shabaab Qaraxaasi aysan wali ka hadlin.

 

Latest stories