HomeWararShirka Golaha Wadatashiga oo Maanta ka furmaya Muqdisho iyo Qodobada laga hadlayo

Shirka Golaha Wadatashiga oo Maanta ka furmaya Muqdisho iyo Qodobada laga hadlayo

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad Goboleedyada dalka ayaa Maanta oo Axad ah lagu wadaa inuu la furmo Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, gaar ahaan Xarunta Madaxtooyada. Shirkaan oo uu Madaxda maamul Goboleedyada isugu yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxmuud ayaa waxaa looga wada hadli doonaa arrimo dhowr ah oo […]

- Advertisement -

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad Goboleedyada dalka ayaa Maanta oo Axad ah lagu wadaa inuu la furmo Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, gaar ahaan Xarunta Madaxtooyada.

Shirkaan oo uu Madaxda maamul Goboleedyada isugu yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxmuud ayaa waxaa looga wada hadli doonaa arrimo dhowr ah oo kamid yihiin xaaladda abaaraha jira, amniga, siyaasadda, la dagaalanka Al-shabaab iyo sidii loo xjoojinta lahaa wadashaqeynta maamul Goboleedyada iyo dowladda Federaalka.

- Advertisement -

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Shirka Golaha Wadatashiga Qaran uu socon doono muddo laba maalmood ah, isla markaana Madaxda ka qeyb galeysa ay dood adeg ku yeelan doonaa Shirka oo Maanta ka furmaya Magaalada Muqdisho.

Madaxda maamulada Hirshabeelle, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa ku sugan caasimadda dalka ee Muqdisho, waxaana ka maqan oo kaliya Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo isna kusoo wajahan Muqdisho.

Shirkaan ayaa daba socdo kulankii fashilmay ee ay gudaha Muqdisho ku yeesheen Wasiirka maaliyadda dowladda dhexe iyo Wasiirada maaliyadda dowlad goboleedyada dalka, kaas oo ugu dambeyn lagu kala kacay, kadib markii Wasiirada ay heshiin waayeen.

- Advertisement -

Shirka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada ayaa ku soo aaday, iyadoo mad madow uu ka dhex jiro qaar ka mid ah dowlad Goboleedyada iyo dowladda, waxaana qaar kamid ah madaxda maamulada ay dhaliilsan yihiin hab-maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh.

Latest stories