HomeWararSawirro: Shirka Golaha Wadatashiga oo Goor dhow ka furmay Magaalada Muqdisho

Sawirro: Shirka Golaha Wadatashiga oo Goor dhow ka furmay Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul Goboleedyada dalka ayaa goor dhow ka furmay Xarunta Madaxtooyada kaasioo uu shir guddoominayo Madaxweynaha dowladda Xasan Sheekh Maxamuud. Shirkaan oo uu madaxda maamul Goboleedyada isugu yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa looga hadlayaa arrimo kala duwan oo kamid yihiin xaaladda abaaraha jira, amniga, […]

- Advertisement -

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul Goboleedyada dalka ayaa goor dhow ka furmay Xarunta Madaxtooyada kaasioo uu shir guddoominayo Madaxweynaha dowladda Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirkaan oo uu madaxda maamul Goboleedyada isugu yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa looga hadlayaa arrimo kala duwan oo kamid yihiin xaaladda abaaraha jira, amniga, siyaasadda, la dagaalanka Al-shabaab iyo sidii loo xjoojinta lahaa wadashaqeynta maamul Goboleedyada iyo dowladda Federaalka.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, Madaxda Hirshabeelle, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa shirka goobjoog ka ah, waxaana ka maqan oo kaliya Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo shirka ZOOM uga qeyb galaya.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Shirka Golaha Wadatashiga Qaran uu socon doono muddo laba maalmood ah, isla markaana Madaxda ka qeyb galeysa ay dood adeg ku yeelan doonaa Shirka inta uu socdo.

Shirkaan ayaa daba socdo kulankii fashilmay ee ay gudaha Muqdisho ku yeesheen Wasiirka maaliyadda dowladda dhexe iyo Wasiirada maaliyadda dowlad goboleedyada dalka, kaas oo ugu dambeyn lagu kala kacay, kadib markii Wasiirada ay heshiin waayeen.

- Advertisement -

Latest stories