HomeWararDowladda oo War kasoo saartay Shirka Madaxda DFS iyo DG ee ka...

Dowladda oo War kasoo saartay Shirka Madaxda DFS iyo DG ee ka dhacaya Muqdisho

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

UN Warns Famine Risk Looms for 6M Somalis

The United Nations has issued an urgent appeal for...

Shir u dhexeeya Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada ayaa todobaadkaan gudihiisa lagu wadaa inuu ka qabsoomo Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Shirkaan ayaa waxaa Madaxda maamulada isugu yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana looga arrisan doonaa arrimo dhowr ah, iyadoona Madaxweynihii ugu horreeyay ee ka qeyb galaya Shirkaas uu Maanta […]

- Advertisement -

Shir u dhexeeya Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada ayaa todobaadkaan gudihiisa lagu wadaa inuu ka qabsoomo Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Shirkaan ayaa waxaa Madaxda maamulada isugu yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana looga arrisan doonaa arrimo dhowr ah, iyadoona Madaxweynihii ugu horreeyay ee ka qeyb galaya Shirkaas uu Maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho.

- Advertisement -

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayuu noqday madaxweynaha Koowaad ee yimid Muqdisho, waxaana Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin kala duwan oo kamid ah dowladda.

Wasaaradda arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka hadashay Shirka Madaxd dowladda Federaalka iyo kuwa Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada ay ku yeelanayaan Caasimadda.

Wasaaradda oo Qoraal soo saartay ayaa waxaa ay ku sheegtay Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamulada looga arrinsanayo arrimmo ay ka mid yihiin wadashaqeynta labada heer ee dowladda Federaalka ah, dadaallada ladagaalanka Al-shabaab, abaaraha iyo arrimo kale oo hortabin u leh dowlaad dhiska Soomaaliya.

- Advertisement -

Sidoo kale Wasaaradda arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ayaa tilmaamtay inay si weyn ugu diyaargarowday soo dhoweynta dhammaan madaxda maamul goboleedyada iyo wufuudooda oo lagu wado in ay soo gaaraan Muqdisho.

Shirka u dhaxeeya DFS iyo dowlad Goboleedyada ayaa ku soo aaday, iyadoo mad madow uu ka dhex jiro qaar ka mid ah dowlad Goboleedyada iyo dowladda, waxaana shirkooda maalmaha soo socda ka furmayaa Magaalada Muqdisho looga hadlayo arrimo dhowr ah.

Latest stories