HomeWararDad shacab ah oo lagu laayay Duqeyn ka dhacday degaan ka tirsan...

Dad shacab ah oo lagu laayay Duqeyn ka dhacday degaan ka tirsan Shabeellaha Hoose

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Diyaarad nooca aan duuliyaha laheyn ayaa gelinkii dambe ee shalay oo jicmo aheyd duqeyn ka geysatay deegaanka Mubaarak ee hoostega degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana duqeyntaas laga helayaa faah faahino dheeraad ah. Dad la hadlay Telefashinka Dalsan ayaa u sheegay in duqeynta diyaaradeed lala beegsaday beel ku taalla deegaanka Mubaarak oo xilligaas shir […]

- Advertisement -

Diyaarad nooca aan duuliyaha laheyn ayaa gelinkii dambe ee shalay oo jicmo aheyd duqeyn ka geysatay deegaanka Mubaarak ee hoostega degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana duqeyntaas laga helayaa faah faahino dheeraad ah.

Dad la hadlay Telefashinka Dalsan ayaa u sheegay in duqeynta diyaaradeed lala beegsaday beel ku taalla deegaanka Mubaarak oo xilligaas shir uga socday dad u badnaa gaadiiley ka dhex shaqeysa Gobolada Banaadir iyo Shabeellaha Hoose.

- Advertisement -

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay duqeynta lala eegtay dadkii shacabka ahaa, waxaana ku dhacay dadkaas Gantaal ay kusoo riday diyaaradda, Inta la xaqiijiyey shan qof ayaa goobta ku dhintay, halka 10 qof kalena ay ku dhaawacmeen.

Dadka dhaawacmay ayaa waxaa loo soo qaaday Isbitaalo ku yaalla Magaalada Casimadda ah ee Muqdisho, si xaaladdooda Caafimaad loogu dabiibo, weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Koonfur Galbeed oo ay uga hadlayaan dhacdadaan.

Duqeyntaan khasaaraha dhalisay ayaa la rumeysan inay fulisay diyaarad nooca aan duuliyaha laheyn oo ay leeyihiin Ciidamada Mareykanka ee qaaradda Affrika ee loo yaqaano AFRICOM, kuwaasi oo inta badan duqeymo ka fuliya deegaanada ay Gobolada dalka kaga sugan yihiin Al-shabaab.

- Advertisement -

Sanadkii hore ayey aheyd markii duqeyn tan lamid ah ay ka dhacday deegaanka Daaru-salaam ee isla degmada Awdheegle, waxaana halkaas lagu dilay saddex qof oo walaalo ahaa, iyadoo Mareykanka dhowr jeer oo hore looga digay beegsiga dadka shacabka ah.

Latest stories