HomeWararWafdi ka socda Dowladda Somalia oo Maanta u ambabaxay Qaahira iyo ujeedkooda

Wafdi ka socda Dowladda Somalia oo Maanta u ambabaxay Qaahira iyo ujeedkooda

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Waxaa Maanta Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ka ambabaxay Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayey, kuwaasi oo kasii jeeda dalka Masar. Guddoomiye Baashe Yuusuf ayaa Magaalada Qaahira ee Caasimadda dalka uga qeyb galaya shirka lixaad ee heerkiisu sarreeyo ee Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare, kuwa Dastuuriga ah iyo […]

- Advertisement -

Waxaa Maanta Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ka ambabaxay Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayey, kuwaasi oo kasii jeeda dalka Masar.

Guddoomiye Baashe Yuusuf ayaa Magaalada Qaahira ee Caasimadda dalka uga qeyb galaya shirka lixaad ee heerkiisu sarreeyo ee Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare, kuwa Dastuuriga ah iyo Goleyaasha Dastuuriga ah ee Afrika.

- Advertisement -

Shirka ayaa sida uu qorshahu yahay furmaya maalinta berri oo sabti ah, isla markaana waxaa uu socon doonaa laba maalmood, iyada oo diirada lagu saarayo hannaan hufnaanta xukunka Maxkamadeedka iyo isdhaafsiga waayo aragnimada Garsoorayaasha Afrika.

“Waxaan maanta safar shaqo ugu baxay dalka Masar oo aan kaga qeyb-geli doono shirka Lixaad ee Heerkiisu sarreeyo ee  Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare, kuwa Dastuuriga ah iyo  Goleyaasha Dastuuriga ah ee Afrika kaas oo 10ka illaa 12 September, 2022 ka qabsoomi doona magaalada Qaahira” ayuu yiri Guddoomiye Baashe.

Dowladda Masar ayaa inta badan martigelisa shirkan, waxayna muhiimadu tahay sidii iskaashi iyo wada shaqeyn buuxda u dhexmari lahayd Garsoorayaasha dalalka Afrika, iyadoo la soo gaba gabeyn doono shirka maalinta Axada oo ay taariikhdu tahay 12-ka September.

Latest stories