HomeWararMaamulka G/Hiiraan oo nasiib darro ku tilmaamay hadal kasoo yeeray Xildhibaan Xusul

Maamulka G/Hiiraan oo nasiib darro ku tilmaamay hadal kasoo yeeray Xildhibaan Xusul

Date:

Related stories

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa nasiib daro ku tilmaamay in Xildhibaan Cabdirisaaq Xusul oo ka tirsan Baarlamaanka Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu eed u jeediyo Dad Soomaaliyeed oo la-dagaalamaya Al-shabaab. Guddoomiye Cali Jeyte ayaa Guddoonka Golaha Shacabka ugu baaqay in si hoose loo eego hadalka kasoo yeeray ee Xildhibaan Xusul, kuna eedeeyay dad shacab […]

- Advertisement -

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa nasiib daro ku tilmaamay in Xildhibaan Cabdirisaaq Xusul oo ka tirsan Baarlamaanka Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu eed u jeediyo Dad Soomaaliyeed oo la-dagaalamaya Al-shabaab.

Guddoomiye Cali Jeyte ayaa Guddoonka Golaha Shacabka ugu baaqay in si hoose loo eego hadalka kasoo yeeray ee Xildhibaan Xusul, kuna eedeeyay dad shacab ah oo dagaal ku jira, isagoo intaas kusii daray in baaris sharciyadeed lagu sameeyo Xildhibaanka.

- Advertisement -

Guddoomiyaha ayaa xusay in Xildhibaan Cabdirisaaq Xusul eedeynta uu u jeedinayo kooxda Macwiisleyda ah ee la magac baxday Ciidamada dib u xorenynta deeganada Gobalka Hiiraan ee la dagaalamayo Al-shabaab ay yihiin dadka uu matalo Xildhibaanka.

Wuxuu hadalkiisa intaas uu kusii daray Guddoomiye Cali Jeyte in nasiib daro weyn tahay in Xildhibaanka uu sidaas ula hadlo Dad Soomaaliyeed ee dagaalka ku jira, si u xoreeyaan deegaanada Gobolka Hiiraan, waa sida uu hadalka u dhigay Guddoomiyaha.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle ayaa Carabka ku adkeeyey in Cid walbo oo ka hortimaado wax uu ugu yeeray kacdoonka lagula dagaalamayo Al-shabaab ay hiil u tahay, taas oo aheed dareen ay dhibsanayeen Abaabulka shacabka.

Latest stories