HomeWararFaah faahin kasoo baxeysa Qarax khasaaro sababay oo ka dhacay duleedka Baladweyne

Faah faahin kasoo baxeysa Qarax khasaaro sababay oo ka dhacay duleedka Baladweyne

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Wararka aan ka heleyno deegaan duleedka ka ah Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in barqanimadii Maanta oo jicmo ah halkaas qarax lagula beegsaday gaari nooca Tikniko ah oo ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan dowladda. Qaraxa oo ahaa miino nooca dhulka lagu aasay ayaa waxaa Ciidamada lagula eegtay deegaanka Baardheere ee duleedka Baladweyne, […]

- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno deegaan duleedka ka ah Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in barqanimadii Maanta oo jicmo ah halkaas qarax lagula beegsaday gaari nooca Tikniko ah oo ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan dowladda.

Qaraxa oo ahaa miino nooca dhulka lagu aasay ayaa waxaa Ciidamada lagula eegtay deegaanka Baardheere ee duleedka Baladweyne, waxaana ka dhashay khasaaro dhaawacyo ah oo soo gaaray Askar ka tirsan Ciidanka dowladda iyo dad shacab ah.

- Advertisement -

Inta la xaqiijiyey 6 ruux oo isugu jiray Askar ka tirsan Ciidanka Milateriga qeybta 27-aad iyo dad shacab ah ayaa ku dhaawacmay qaraxii Maanta ka dhacay deegaanka Baardheere, kuwaasi oo la geeyay Isbitaal si loogu daaweeyo.

Dadka dhaawacmay ayaa waxaa ku jira Sarkaal magacaabiisa lagu soo gaabiyey Indhabuur, Saraakiisha Ciidamada dowladda Federaalka iyo Maamulka Gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle ayaan weli ka hadlin qaraxaas khasaaraha dhaliyey ee dhacay.

Al-shabaab ayaa inta badan qaraxyo miinooyin ah la beegsata gaadiidka ay saaran yihiin Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee ATMIS, waxaana inta badan Ciidamada qaraxyadaas kasoo gaara khasaaro kala duwan.

Latest stories