HomeWararDeni oo shaqo joojin ku sameeyay Agaasimaha Sirdoonka Puntland & ku-xigeenadiisa

Deni oo shaqo joojin ku sameeyay Agaasimaha Sirdoonka Puntland & ku-xigeenadiisa

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Warar lagu kalsoonaan oo la helayo ayaa sheegaya in Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu shaqo ka joojin ku sameeyay Agaasimaha guud ee Hay’adda Sirdoonka Puntland ee PISA, Mukhtaar Maxamed Xasan Jeyte. Madaxweyne Saciid Deni ayaa tallaabadan shaqo ka joojinta qaaday habeenkii xalay aheyd, kadib markii booqasho lama filaan ah ku tegay Xarunta […]

- Advertisement -

Warar lagu kalsoonaan oo la helayo ayaa sheegaya in Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu shaqo ka joojin ku sameeyay Agaasimaha guud ee Hay’adda Sirdoonka Puntland ee PISA, Mukhtaar Maxamed Xasan Jeyte.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa tallaabadan shaqo ka joojinta qaaday habeenkii xalay aheyd, kadib markii booqasho lama filaan ah ku tegay Xarunta Hay’adda Sirdoonka PISA, wuxuuna halkaas kula kulmay Saraakiil ka tirsan Ciidamada PISA.

- Advertisement -

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Madaxweynaha Puntland uu xilka Agaasimaha guud ee Hay’adda Sirdoonka Puntland si KMG ah ugu magacaabay Maxamed Nuur Jaamac oo horey u ahaa hoggaanka Baarista Sirdoonka Maamulka Puntland.

Sidoo kale Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shaqada ka joojiyey labadii Agaasime ku-xigeen ee Hay’adda PISA, kuwaasi oo lagu kala magacaabo Maxamed Casayr Barre iyo Bashiir Siciid Aaden, lama oga sababta keentay shaqo joojintaan.

Mukhtaar Maxamed Xasan ( Jeyte) oo ahaa Agaasimaha guud ee Hay’adda Sirdoonka dowlad Goboleedka Puntland ee PISA, ayaa waxaa ay wararka sheegayaan inuu ku maqan yaha dalka dibaddiisa.

Latest stories