HomeWararCiidanka Dowladda oo howlgal lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab ka fuliyey...

Ciidanka Dowladda oo howlgal lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab ka fuliyey Buurta dacaarow

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Ciidanka kummaandooska Gor-gor ee xoogga dalka iyo kooxda Macwiisleyda ah oo iskaashanaya ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa ay howlgal ka dhan ah dagaalamayaasha Al-shabaab ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan. Ciidamada kummaandooska Gor-gor iyo Macwiisleyda ayaa howlgalka si wadajir ah uga fuliyey dhulka Buuraleeyda Gobolka Hiiraan gaar ahaan Buurta dacaarow oo la sheegay inay […]

- Advertisement -

Ciidanka kummaandooska Gor-gor ee xoogga dalka iyo kooxda Macwiisleyda ah oo iskaashanaya ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa ay howlgal ka dhan ah dagaalamayaasha Al-shabaab ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Ciidamada kummaandooska Gor-gor iyo Macwiisleyda ayaa howlgalka si wadajir ah uga fuliyey dhulka Buuraleeyda Gobolka Hiiraan gaar ahaan Buurta dacaarow oo la sheegay inay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-shabaab,

- Advertisement -

Saraakiil ka tirsan  Ciidanka hoggaaminayay howlgalka oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa u sheegay in howlgalka inta uu socday lagu dilay lix xubnood oo kamid ahaa Al-shabaab oo ku sugnaa deegaanada laga howlgalay, waa sida hadalka loo dhigay.

Sidoo kale Saraakiisha ayaa intaas kusii daray hadalkooda in howlgalka lagu soo furtay boqolaal xoolo ah oo ay heysteen Shabaabka, Al-shabaab ayaa weli ka hadlay howlgalkaan la sheegay in khasaaro lagu gaarsiiyey.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan gaar ahaan ku yaalla duleedka Maxaas iyo degmooyin kale ka socday howlgalo ka dhan ahaa Al-shabaab, kuwaasi oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh.

Latest stories