HomeWararSaxafiyiin Soomaaliyeed oo ka qeyb galay tababar ay soo qaban-qaabisay USAID Somalia

Saxafiyiin Soomaaliyeed oo ka qeyb galay tababar ay soo qaban-qaabisay USAID Somalia

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Konton wariyeyaal ah oo ka kala socda idaacadaha iyo telefishinada gobolada dalka Soomaaliya ayaa ka qeyb galay tababar socday muddo labo maalmood ah, kaasoo ay gacan ka qeysatay Hay’adda USAID Somalia iyadoo ujeeddaduna ay ahayd sidii kor loogu qaadi lahaa xirfadda saxafiyiinta si ay u soo gudbiyaan wararka, macluumaadka iyo sheekooyinka waxtarka u leh bulshooyinka, […]

- Advertisement -

Konton wariyeyaal ah oo ka kala socda idaacadaha iyo telefishinada gobolada dalka Soomaaliya ayaa ka qeyb galay tababar socday muddo labo maalmood ah, kaasoo ay gacan ka qeysatay Hay’adda USAID Somalia iyadoo ujeeddaduna ay ahayd sidii kor loogu qaadi lahaa xirfadda saxafiyiinta si ay u soo gudbiyaan wararka, macluumaadka iyo sheekooyinka waxtarka u leh bulshooyinka, gaar ahaan dhinacyada beeraha, waxbarashada iyo caddaaladda.

Suxufiyiintu waxay barteen sida loo dabaqo go’aan qaadashado waafaqsan anshaxa, hubinta xaqiiqda iyo warbixinta xasaasiga ah ee isku dhaca ee shaqadooda maalinlaha ah.

- Advertisement -

“Aniga waxaa iigu muhiimsanaa casharadii cilmi-baarista ee aan qaadanay muddada labada maalmood ee tababarka – waxaanan aaminsanahay in cilmi-baaristu ay fure u tahay wariye kasta si uu u ururiyo macluumaadka dhabta ah isagoo si qoto dheer u baaraya mawduuca isagoo isticmaalaya wareysiyo iyo cilmi-baaris qoto dheer,” ayaa tiri Maryama Omar Ali oo u shaqeysa telefishanka Gobolka Banadir.

“Waxaan sidoo kale ka baranay wax badan oo ku saabsan sidii loo xoojin lahaa warbaahinta Soomaaliyeed si aan u xoojino awoodeena suxufinimo si aan uga shaqeyno isku xirka bulshada oo aan hubinno in codkooda iyo sheekooyinkooda la maqlo”, ayay raacisay Maryama.

Daraasad ay Dowladda Mareykanka ka sameysay warbaahinta sanadkii 2019 ayaa lagu ogaaday in in ka badan 60% Soomaalida ay ku kalsoon idaacadaha dowladda, idaacadaha gaarka loo leeyahay iyo idaacadaha caalamiga si ay “u helaan wararka”. Inta badan muwaadiniintu waxay kalsooni ku qabaan awoodda warbaahinta ee horumarka shakhsi ahaaneed iyo mid bulsho waxayna aad u jecel yihiin inay wax ka bartaan mawduucyada muhiimka ah sida caafimaadka iyo beeraha oo ay kala socdaan barnaamijyada idaacadaha iyo TV-yada. Si kastaba ha ahaatee, tiro badan oo ka mid ah saxafiyiinta Soomaaliyeed ayaan lahayn xirfado wax ku ool ah sida wareysi qaadista, cilmi baarista iyo muuqaal soo saarista si ay u soo saaraan xog tayo leh oo ku saabsan bulshadooda.

- Advertisement -

“Waxaa ii farxad ah tan iyo markii aan ka soo safray Xudur in aan qayb ka noqdo tababarkan muhiimka ah oo la qabtay wakhti ku haboon oo ilaa hadda ballaariyay aragtidayda ku aaddan sida wararka loo soo tebiyo si xilkasnimo leh, loo sameeyo cilmi baaris, looga hoggaansamo anshaxa saxaafadda iyo soo muujinta baahiyaha bulshada,” ayuu yiri Maxamed Xasan Cabdiraxmaan oo ka tirsan Radio Xudur.

USAID waxa ay dadka Soomaaliyeed ka taageertaa dhisidda aasaas waara si ay u helaan dal xasilloon, dimoqraadi iyo barwaaqo ah. Si aad wax badan uga ogaato hawsheena booqo https://bit.ly/3RrPaRY ama nagal soco Facebook  iyo Twitter USAID Somalia.

Wixii macluumaad dheeri ah fadlan la xiriir

Eloi Yao, Madaxa Warbaahinta iyo Wacyigelinta

Latest stories