HomeWararMW Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiir cusub

MW Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiir cusub

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga Danjirenimo kaga guddoomay safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Kenya u fadhin doona dalka Thomas Kipkosgei Chepkuto. Danjire Thomas ayaa Madaxweynaha soo gaarsiiyey salaan iyo farriin uu kaga siday dhiggiisa dalkaas, isagoo shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhaweynta diirran ay u fidiyeen, waxa […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga Danjirenimo kaga guddoomay safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Kenya u fadhin doona dalka Thomas Kipkosgei Chepkuto.

Danjire Thomas ayaa Madaxweynaha soo gaarsiiyey salaan iyo farriin uu kaga siday dhiggiisa dalkaas, isagoo shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhaweynta diirran ay u fidiyeen, waxa uuna ballanqaaday in uu ka shaqeyn doono horumarinta iskaashiga labada dal.

- Advertisement -

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay ahmiyadda ay dowladda Soomaaliya siineyso hagaajinta xiriirka diblomaasiyadeed, siyaasadeed, dhaqaale, bulsho iyo ganacsi ee dalalka gobolka, taas oo ku saleysan dheef-wadaag iyo iskaashi wadajir ah oo ku aaddan xoojinta amniga, xasilloonida iyo la dagaallanka argagixisada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Danjire Thomas Kipkosgei Chepkuto u sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka gacan-siinayso gudashada waajibaadkiisa  diblomaasiyadeed, waxa uuna u rajeeyey in uu si wanaagsan uga shaqeyn doono danaha ay wadaagan labada Jamhuuriyadood ee dariska ah.

Latest stories