HomeWararMaxay tahay sababta MW Xasan Sheekh uga baaqday safar uu Maanta ku...

Maxay tahay sababta MW Xasan Sheekh uga baaqday safar uu Maanta ku aadi lahaa Sacuudiga?

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu dib u dhigay safar uu Maanta oo khamiis ah ugu ambabixi lahaa Magaalada Jeddah ee Boqortooyada dalka Sacuudi Carabiya. Baaqashada safarka Madaxweyne Xasan ee Sacuudiga ayaa waxaa xaqiijiyey Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibedda Xildhibaan Cali Balcad, waxaana sababta keentay arrintaas ay […]

- Advertisement -

Warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu dib u dhigay safar uu Maanta oo khamiis ah ugu ambabixi lahaa Magaalada Jeddah ee Boqortooyada dalka Sacuudi Carabiya.

Baaqashada safarka Madaxweyne Xasan ee Sacuudiga ayaa waxaa xaqiijiyey Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibedda Xildhibaan Cali Balcad, waxaana sababta keentay arrintaas ay tahay mid la xiriirta safar kale oo uu Madaxweynaha ku aadayo dalka Kenya.

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa 13-ka bishaan September 2022 waxaa uu Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya uga qeyb galayaa Caleema-saarka Madaxweynaha la doortay ee dalkaas William Ruto.

Madaxweynaha ayaa la filayey inuu dalka Sacuudiga uga qeyb galo Shirka Golaha Badda Cas iyo Gacanka Cadan, kaas Magaalada Jeddah sida uu qorshahu yahay ka furmaya 11-ka bishaan, ayna ka qeyb geli doonaan Madax kala duwan.

Sacuudiga ayaa sanadkii 2020 aas-aasay Gole ay ku mideysan yihiin dalalka kulaala Badda Cas iyo Gacanka Cadan oo ay ka mid yihiin Sacuudiga, Masar, Jordan, Eritrea, Yemen, Sudan, Jabuuti iyo Soomaaliya.

Latest stories