HomeWararMadaxweyne Ruto oo shaaciyey inuu la shaqeynayo Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweyne Ruto oo shaaciyey inuu la shaqeynayo Madaxweyne Xasan Sheekh

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Madaxweynaha la doortay ee Kenya William Ruto ayaa sheegay in ay horay usoo wada shaqeeyeen Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, xilligii uu isaga Madaxweyne ku-xigeenka ka ahaa dalka Kenya. Madaxweyne William Ruto oo wareysi siiyay Telefeshinka CNN ayaa tilmaamay in isaga oo kaashanaya Beesha Caalamka uu Madaxweyne Xasan kala shaqeyn doono sidii loo […]

- Advertisement -

Madaxweynaha la doortay ee Kenya William Ruto ayaa sheegay in ay horay usoo wada shaqeeyeen Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, xilligii uu isaga Madaxweyne ku-xigeenka ka ahaa dalka Kenya.

Madaxweyne William Ruto oo wareysi siiyay Telefeshinka CNN ayaa tilmaamay in isaga oo kaashanaya Beesha Caalamka uu Madaxweyne Xasan kala shaqeyn doono sidii loo xallin lahaa dhibaatada ka jirta dalka, ayna Soomaaliya u hanan laheyd ammaankeeda.

- Advertisement -

“Waxaan ku rajo weynahay inaan la shaqeyno isaga iyo beesha caalamka si aan u xalino caqabadaha ka jira Soomaaliya, si aan suurta-gal uga dhigno in Soomaaliya ay iyadu wax ka qabato walaacyadeeda amni,” ayuu yiri Madaxweyne Ruto.

Isaga oo sii hadlaayay Madaxweynaha dalka Kenya ayaa waxaa uu xaaladda Soomaaliya ku qeexay mid cakiran oo ay adag tahay in la bixiyo, sida uu hadalka u dhigay, balse rajo ka muujiyey inay wada shaqeyn karaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ruto ayaa la doortay 9-kii  bishii lasoo dhaafay ee August, waxaana Maxkamadda Sare ee Kenya ay natiijada doorashadiisa aqbashay Isniintii todobaadkaan, kadib ku dhowaad muddo bil ah oo uu horyaallay kiis uu natiijada doorashada kaga horyimid Raila Odinga.

Latest stories