HomeWararGolaha Wasiirada Xukuumadda oo ka shiray Qorshayaasha sugidda amniga dalka

Golaha Wasiirada Xukuumadda oo ka shiray Qorshayaasha sugidda amniga dalka

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Hamza Abdi Barre, ayaa maanta guddoomiyey shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiiradda oo looga hadlay xoojinta qorshayaasha sugidda amniga, dar-dar galinta Gurmadka Abaaraha iyo barnaamijka geedi socodka deyn cafinta Soomaaliya. Shirka oo warbixinno looga dhagaystay wasiiradda Amniga, Arrimaha gudaha iyo Maaliyadda ayaa ugu horayn Wasiirka Arrimaha gudaha looga dhageystay warbixin […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Hamza Abdi Barre, ayaa maanta guddoomiyey shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiiradda oo looga hadlay xoojinta qorshayaasha sugidda amniga, dar-dar galinta Gurmadka Abaaraha iyo barnaamijka geedi socodka deyn cafinta Soomaaliya.

Shirka oo warbixinno looga dhagaystay wasiiradda Amniga, Arrimaha gudaha iyo Maaliyadda ayaa ugu horayn Wasiirka Arrimaha gudaha looga dhageystay warbixin ku saabsan halka ay marayaan howlaha gurmadka lagu samata bixinayo shacabka Soomaaliyeed, iyo sida ay laga maarmaan u tahay in la sii xoojiyo gurmadka si loo badbaadiyo malaayiin ka mid bulshadeenna oo ay saameysay abaartu.

- Advertisement -

Wasiirka Amniga gudaha ayaa shirka ku soo bandhigay warbixin la xiriirta howl-galladii ugu danbeyay ee ciidamada qalabka sida ee ka sameyeen dhinacyada sugidda amniga ,iyo xasillinta deegaanada laga xorreeyo nabad-diidka.

Wasiirka Maaliyadda ayaa warbixin muhiim ah ka siiyay halka uu marayo barnaamijka geedi socodka deyn cafinta Soomaaliya iyo tallaabooyinka loo baahan yahay in la qaado si looga mira dhaliyo hadafka weyn oo suurta galinaya isku filnaansho dhaqaale , sare u qaadista shaqo abuurka, soo jiidashada maalgashi caalami ah iyo dhiirri-gelinta wax soo saarka Dalka iyo horumarka bulshada.

Latest stories