HomeWararAkhriso: Maxaa looga hadlay Shirkii Wasiirada A/Dibadda ee Jaamacadda Carabta?

Akhriso: Maxaa looga hadlay Shirkii Wasiirada A/Dibadda ee Jaamacadda Carabta?

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Wasiirada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta ayaa Shirka ku yeeshay Magaalada Qaahira ee Caasimadda dalka Masar, Shirka ayaa waxaa looga hadlay arrimo kala duwan, waxaana kasoo qeyb galay Wasiirada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta. Shirka Wasiirada ayaa waxaa diirada lagu saaray xiisadaha ka taagan qaar ka mid ah dalalka Carabka, siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo sidii […]

- Advertisement -

Wasiirada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta ayaa Shirka ku yeeshay Magaalada Qaahira ee Caasimadda dalka Masar, Shirka ayaa waxaa looga hadlay arrimo kala duwan, waxaana kasoo qeyb galay Wasiirada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta.

Shirka Wasiirada ayaa waxaa diirada lagu saaray xiisadaha ka taagan qaar ka mid ah dalalka Carabka, siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo sidii ay iskaashi uga yeelan lahaayeen arrimaha looga dooday Shirka oo ahaa midkii 158-aad ee Wasiirada.

- Advertisement -

Sidoo kale inta uu socday shirka ayaa waxaa si aad ah looga hadlay xaaladda Soomaaliya xilligan ka taagan, gaar ahaan sidii dawladda  Federaalka Soomaaliya garab looga siin lahaa wax ka qabashada xaaladaha ammaanka iyo Abaaraha.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Huurshe iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya uga qeyb galay Shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta, kaasi oo ka qabsoomay Magaalada Qaahira.

Wasiir Huurshe ayaa lagu wadaa in kulamo kala duwan la qaato madaxda Crabeed ee shirkaasi kasoo qeybgashay kalana hadlo xaalada Soomaaliya iyo sidii ay dhinacyo kala duwan uga taageeri lahaayeen.

Latest stories