HomeWararGuddoomiye Yuusuf Madaale oo War kasoo saaray xilka cusub ee loo magacaabay

Guddoomiye Yuusuf Madaale oo War kasoo saaray xilka cusub ee loo magacaabay

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa ka hadlay xilka uu Maanta u magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaalia Xasan Sheekh Maxamuud. Guddoomiye Madaale oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ugu mahadceliyay Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir mar kale u magacaabay, sidoo kale wuxuu u […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa ka hadlay xilka uu Maanta u magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaalia Xasan Sheekh Maxamuud.

Guddoomiye Madaale oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ugu mahadceliyay Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir mar kale u magacaabay, sidoo kale wuxuu u mahadceliyay Ra’iisul Wasaare Xamse Barre.

- Advertisement -

Sidoo kale Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa u mahadnaqay  shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Gobolka ee soo dhaweeyay magacaabistiisa, wuxuuna tilmaamay inuu dib u soo celin doono hindisihii weynaa ee “Hal doolar dalkaada ku dhis”.

“Walaalayaal waxaa inoo balan ah inaan dib usoo celino hindisihii weynaa ee “Hal doolar dalkaada ku dhiso” Ee aan jidadka magaalada ku dhisnay iyo midkii ahaa “Saaxiib hagaaji hortaada” oo aan kusoo celineynay nadaafada iyo bilicda caasimada muqdisho” ayuu  yiri Sheekh Yuusuf Madaale.

Qoraalkiisa wuxuu intaas kusii daray “waxaa intaas dheer inaan ka dhabeyno rajadiinii eheyd inaan helno maqaamka magaalada muqdisho oo shacabkeedu is doortaan hadduu uu alle yiraahdo iyo metelaad Gobalka Banaadir”

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale u magacaabay inuu noqdo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Latest stories