HomeWararDowladda Itoobiya oo beenisay War ku saabsan DFS oo laga baahiyey Telefashinkeeda

Dowladda Itoobiya oo beenisay War ku saabsan DFS oo laga baahiyey Telefashinkeeda

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa ka hadashay warbixin ay sheegeen in aysan sax ahayn oo ku jirtay barnaamij laga sii daayay TV-ga dowladda Itoobiya oo ku baxa afka Ingiriisiga. Warbixinta oo ku saabsaneed dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sii daayay Talaadadii shalay. “Warbixinta barnaamijka ku jirtay ma ahan mid ka turjumaysa siyaasadda […]

- Advertisement -

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa ka hadashay warbixin ay sheegeen in aysan sax ahayn oo ku jirtay barnaamij laga sii daayay TV-ga dowladda Itoobiya oo ku baxa afka Ingiriisiga.

Warbixinta oo ku saabsaneed dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sii daayay Talaadadii shalay.

- Advertisement -

“Warbixinta barnaamijka ku jirtay ma ahan mid ka turjumaysa siyaasadda dowladda Itoobiya waxayna hareer marsantahay xiriirka labada dowladood” ayaa lagu yiri qoraal la soo dhigay barta Faceboog ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka Itoobiya.

Warbixinta laga sii daayay Telefishinka ayaa waxyaabaha lagu sheegay waxaa ka mid ahaa in fallaagada TPLF ay isku dayayso in dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ay qaadayso tallaabooyin halis ku ah danaha dowladda Itoobiya, haddii ay taasi dhacdana ay keeni karto inuu abuurmo Urur ka khatar badan Al-Shabaab, isla markaana uu ku lumin karo xulufada Gobolka.

Latest stories