HomeWararSomaliland oo Maanta xukun dil toogasho ah ku fulisay 4 Nin

Somaliland oo Maanta xukun dil toogasho ah ku fulisay 4 Nin

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Somaliland ayaa Maanta oo talaado ah waxaa goob fagaare ah oo ku dhex taalla xabsiga weyn ee Mandheera ee Gobolka Saaxil ku toogatay illaa 4 nin oo horey dilal uga geystay deegaano ka tirsan Somaliland, kuwaasi oo Maxkamad ay horey ugu riday xukuno dil toogasho ah. Xubno ka tirsan Maxkamadda Somaliland ayaa laga soo xigtay […]

- Advertisement -

Somaliland ayaa Maanta oo talaado ah waxaa goob fagaare ah oo ku dhex taalla xabsiga weyn ee Mandheera ee Gobolka Saaxil ku toogatay illaa 4 nin oo horey dilal uga geystay deegaano ka tirsan Somaliland, kuwaasi oo Maxkamad ay horey ugu riday xukuno dil toogasho ah.

Xubno ka tirsan Maxkamadda Somaliland ayaa laga soo xigtay in ragga la toogtay u uku jiray Korneyl ka tirsanaa Ciidanka Booliska Maamulkaas oo gudaha Magaalada Hargeysa dil bareer ah ugu geystay gabar lagu magacaabi jiray Najmo Cabdullaahi Maykal.

- Advertisement -

Sidoo kale xubnaha kale ee iyaguna dilka toogashada ahaa lagu fuliyey ayaa dilal ka geystay deegaano ka tirsan Somaliland, isla markaana raggaas la horkeeyay Maxkamad oo ay ka hor qirteen dembiyada lagu helay, kadibna lagu riday xukuno dil ah oo Maanta lagu fuliyey.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Somaliland ay sii deysay nin kale oo shanaad oo ku jiray liiska toogashada, hayeeshee laga furay tiirka lagu xiro dadka la tooganayo, kadib markii ay heshiis gaareen ehelada labada dhinac.

Si kastaba Somaliland ayaa horey sidan oo kale toogasho uga fulisay deegaannadeeda, waxaana aheyd markii sidan oo kale 15-kii bishii January ee sanadka 2020-kaii xabsig Mandheera loogu toogtay lix nin oo iyana lagu eedeeyey inay dilal ka geysteen maamulkaasi.

Latest stories