HomeWararShirka Wasiirada Maaliyadda DF iyo M/Goboleedyada oo Maanta lasoo gaba-gabeynayo

Shirka Wasiirada Maaliyadda DF iyo M/Goboleedyada oo Maanta lasoo gaba-gabeynayo

Date:

Related stories

UN Warns Famine Risk Looms for 6M Somalis

The United Nations has issued an urgent appeal for...

Government, Opposition Reach Election Consensus

Political talks underway in Mogadishu have made significant progress,...

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Waxaa Maanta oo talaado ah lagu wadaa in Magaalada Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyo Shirka Wasiirada Wasaaraddaha Maaliyadda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad Goboleedyada dalka, kaasi oo shalay ka furmay Caasimadda dalka. Shirka ayaa waxaa looga hadlay sidii Wasiirada Maaliyadda dowlad Goboleedyada ay dib u habeyn ugu sameeyn lahaayeen dhaqaalaha, dar-dargalinta horumarinta Maaliyadda dalka iyo iskaashiga […]

- Advertisement -

Waxaa Maanta oo talaado ah lagu wadaa in Magaalada Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyo Shirka Wasiirada Wasaaraddaha Maaliyadda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad Goboleedyada dalka, kaasi oo shalay ka furmay Caasimadda dalka.

Shirka ayaa waxaa looga hadlay sidii Wasiirada Maaliyadda dowlad Goboleedyada ay dib u habeyn ugu sameeyn lahaayeen dhaqaalaha, dar-dargalinta horumarinta Maaliyadda dalka iyo iskaashiga joogtada ah ee Dowladda Federalka iyo maamulada.

- Advertisement -

Inta uu socdo shirka Maanta ayaa waxaa ay Wasiirada ka qeyb galaya ay dood adeg ka yeelan doonaan arrimo kale oo ku aadan dib u habeynta hannaanka Maaliyeed ee dalka, waxaana shirka soo xiri doona Wasiirka Maaliyadda dowladda Federaalka Dr. Cilmi Maxamuud Nuur.

Shirka ayaa waxaa laga soo saari doonaa War-murtiyeed ka kooban dhowr qodob oo ay isku raacsan yihiin Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda dowladda Federaalka Cilmi Maxamuud iyo kuwa maamulada sida Jubbaland, Puntland, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

Wasiirada Maaliyadda dowlad goboleeyada ayaa toddobaadkii hore sheegay inay hakiyeen wadashaqeyntii kala dhexeysay wasaaradda maaliyadda dowladda Federaalka, iyada oo ku eedeeyay wasiirka maaliyadda inuu ka baxday heshiisyo wadashaqeyn ah oo ay la galeen maamulkii isaga ka horreyay.

Latest stories