HomeWararUhuru oo ka hadlay Go'aankii Maxkamadda, isagoo soo hadal qaadin magaca William...

Uhuru oo ka hadlay Go’aankii Maxkamadda, isagoo soo hadal qaadin magaca William Ruto

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Madaxweynaha xilka kasii dagaya ee Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay inay ka go’an tahay in si habsami leh ay u dhacdo xil-wareejinta awoodda madaxweynaha, kadib khudbad lasoo duubay oo uu u jeediyay shacabka Kenya, isaga oo ugu baaqay in go’aankii maxkamadda la xushmeeyo. Kenyatta, wuu ka fogaaday in uu in magaca madaxweynaha la doortay William […]

- Advertisement -

Madaxweynaha xilka kasii dagaya ee Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay inay ka go’an tahay in si habsami leh ay u dhacdo xil-wareejinta awoodda madaxweynaha, kadib khudbad lasoo duubay oo uu u jeediyay shacabka Kenya, isaga oo ugu baaqay in go’aankii maxkamadda la xushmeeyo.

Kenyatta, wuu ka fogaaday in uu in magaca madaxweynaha la doortay William Ruto uu ku xuso khudbadiisa, balse waxa uu sheegay in uu wanaag u rajaynayo ‘dhammaan kuwii guulaystay.’

- Advertisement -

“Xilka madaxweynaha marki la ii dhaariyay, waxaan ballan ku qaaday in aan ilaaliyo sharciga iyo go’aannada kasoo baxa garsoorka wax kasta oo khuseeya dowladnimadeenna” ayuu yiri Kenyatta.

Kenyatta ayaa si weyn u taageeray musharraxa laga adkaaday ee Raila Odinga.

Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa maanta oo Isniin ah ku taageertay doorashadii 9-kii Agoosto ee lagu doortay madaxweynaha dalka Kenya William Ruto, kaddib go’aan loo dhan yahay, sida ay sheegtay guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Kenya, Martha Koome, taasoo meesha ka saartay codsi uu u gudbiyay hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga.

- Advertisement -

 

Latest stories