HomeWararTaliye Xijaar oo faah faahiyey howlgalkii Maanta Ciidanka Haramcad ka fuliyeen Basro

Taliye Xijaar oo faah faahiyey howlgalkii Maanta Ciidanka Haramcad ka fuliyeen Basro

Date:

Related stories

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa faah faahin ka bixiyay howlgal qorsheysan oo waaberigii hore ee saaka Ciidanka Booliska Haramacad ka fuliyeen deegaanka Basra ee Shabeellaha Hoose. Taliye Xijaar oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa sheegay in howlgalkii laga fuliyey deegaanka Basra lagu burburiyey Maxkamad ay Al-shabaab ku laheyd […]

- Advertisement -

Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa faah faahin ka bixiyay howlgal qorsheysan oo waaberigii hore ee saaka Ciidanka Booliska Haramacad ka fuliyeen deegaanka Basra ee Shabeellaha Hoose.

Taliye Xijaar oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa sheegay in howlgalkii laga fuliyey deegaanka Basra lagu burburiyey Maxkamad ay Al-shabaab ku laheyd halkaas iyo fariisimo kale oo ay lahaayeen Shabaabka.

- Advertisement -

Taliyaha Booliska dowladda ayaa caddeeyay in howlgalka uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo kala gaaray,  isla markaana sheegay in Shabaab ka dileen xubno, kuwo kalena ka dhaawaceen.

Sidoo kale Xijaar ayaa xusay in dhankooda Ciidanka Booliska Haramcad ka dhintay hal sarkaal, halka Askari kalena uu dhaawacmay, wuxuu intaas kusii daray in howlgalkii Maanta uu bilow u yahay howlgalo kale oo laga
fulinayo deegaano ka tirsan dalka.

Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa uga digay dadka Soomaaliyeed inay garsoor u doontaan Maxkamadaha Al-shabaab, isaga oo sheegay in ciddii isku dada ay tallaabo ka qaadi doonaan, waa sida uu hadalka u dhigay.

- Advertisement -

Gaba-gabadii Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tilmaamay in howgalka Basro uu yahay kii ugu horeeyey, isla markaana ay sii wadi doonaan howlgallada, isagoo sheegay in gobollada dalka uu ka bilowday howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab.

Latest stories