HomeWararMuxuu Ra'iisul Wasaare Xamse kala hadlay Ganacsato Soomaaliyeed uu la kulmay?

Muxuu Ra’iisul Wasaare Xamse kala hadlay Ganacsato Soomaaliyeed uu la kulmay?

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

UN Warns Famine Risk Looms for 6M Somalis

The United Nations has issued an urgent appeal for...

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Hamza Abdi Barre iyo Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha ee uu hoggaamiyo ayaa galabta kulan la yeeshay ganacsatada Soomaaliyeed. Kulanka oo looga hadlayay sidii loo dardargelin lahaa hawsha gurmadka abaaraha, ayaa dowladdu waxa ay ku soo bandhigtay hawlihii la qabtay iyo gargaarkii la qaybiyay tan iyo markii la magacaabay Guddiga […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Hamza Abdi Barre iyo Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha ee uu hoggaamiyo ayaa galabta kulan la yeeshay ganacsatada Soomaaliyeed.

Kulanka oo looga hadlayay sidii loo dardargelin lahaa hawsha gurmadka abaaraha, ayaa dowladdu waxa ay ku soo bandhigtay hawlihii la qabtay iyo gargaarkii la qaybiyay tan iyo markii la magacaabay Guddiga Qaran 17 bishii Agoosto.

- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Ahmed Moallim Fiqi ayaa sheegay in 23 Agoosto loo diray deeq dhan 26 tan oo cunto ah magaalooyinka Beledweyne iyo Buulo Burde.

Sidoo kale, 25 Agoosto dowladdu waxay guddoonsiisay bulshada degmada Maxaas lacag dhan $75,000 oo loogu talo galay in lagu dayactiro ceelasha biyaha ee degmada ku yaala.

4 Sebtember ayaa waxaa loo diray deeq dhan 20 tan oo cunto ah magaalooyinka Baydhabo iyo Xudur.

- Advertisement -

Wasiirku waxa uu sheegay in la qabtay kulamo xiriir ah oo la xiriira gurmadka abaaraha iyo barnaamijyo wacyi-gelin ah.

Xubnaha ganacsatada oo ka hadlay kulanka ayaa iyaguna sheegay inay diyaar u yihiin inay ka qaybqaataan abaabulka bulshada iyo dhinaca dhaqaalaha wax loogu qabanayo shacabka dhibaateeysan.

Ra’iisul Wasaare Xamse, oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in xukuumaddu iyada oo kaashaneysa shacabka Soomaaliyeed ay xoogga sii saari doonto dhammaan deegaannada abaartu aadka u saameysay si deg deg wax loogu qabto shacabka tabaaleysan.

Latest stories