HomeWararMaxaa looga hadlayaa Shirka Wasiirada Maaliyadda DF iyo DG Maanta uga furmay...

Maxaa looga hadlayaa Shirka Wasiirada Maaliyadda DF iyo DG Maanta uga furmay Muqdisho?

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Wasiirka Maaliyadda dowladda Federaalka Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa furay shirka Wasiirada maaliyadda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada, kaas oo socon doona muddo laba maalmood ah. Shirka oo ka furmay Muqdisho ayaa waxaa diirada lagu saarayaa sidii Wasiirada Maaliyadda dowlad Goboleedyada ay dib u habeyn ugu sameeyn lahaayeen  dhaqaalaha, dar-dargalinta horumarinta Maaliyadda dalka iyo […]

- Advertisement -

Wasiirka Maaliyadda dowladda Federaalka Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa furay shirka Wasiirada maaliyadda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada, kaas oo socon doona muddo laba maalmood ah.

Shirka oo ka furmay Muqdisho ayaa waxaa diirada lagu saarayaa sidii Wasiirada Maaliyadda dowlad Goboleedyada ay dib u habeyn ugu sameeyn lahaayeen  dhaqaalaha, dar-dargalinta horumarinta Maaliyadda dalka iyo iskaashiga joogtada ah ee Dowladda Federalka iyo maamulada.

- Advertisement -

Wasiirka maaliyadda Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo Qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay in inta uu socd shirka looga doodi doono arrimo dhowr ah, isla markaana xusay in shirka Wasaaradda Maaliyadda u furmay uu soconayo laba maalmood.

Wasiirada Maaliyadda dowlad goboleeyada ayaa toddobaadkii hore sheegay inay hakiyeen wadashaqeyntii kala dhexeysay wasaaradda maaliyadda dowladda Federaalka, iyada oo ku eedeeyay wasiirka maaliyadda inuu ka baxday heshiisyo wadashaqeyn ah oo ay la galeen maamulkii isaga ka horreyay.

“Waxaa jiray habraacyo iyo nidaam qoran oo ay ku wadashaqeyn jireen wasaaradaha maaliyadda ee dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleeyada, waxaana wasiirka cusub ka dareennay inuu baal maray heshiisyadaas” ayuu sheegay wasiirka maaliyadda Koofut Galbeed Axmed Maxamed Xuseen.

- Advertisement -

Wasiirka Maaliyadda Dr. Cilmi Nuur weli kama hadlin eedeymahaas loo jeediyay.

Latest stories