HomeWararDagaal u dhexeeya Ciidanka Haramcad iyo Al-shabaab oo ka socda Shabeellaha Dhexe

Dagaal u dhexeeya Ciidanka Haramcad iyo Al-shabaab oo ka socda Shabeellaha Dhexe

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Wararka aan ka heleyno deegaanka Basra ee duleedka degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas saaka oo Isniin ah uu ka socdo dagaal xoogan oo u dhexeeya Ciidanka dowladda gaar ahaan Haramcad iyo Al-shabaab. Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay, ka gadaal markii Ciidanka Booliska Haramcad ay weerar ku qaadeen fariisimo […]

- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno deegaanka Basra ee duleedka degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas saaka oo Isniin ah uu ka socdo dagaal xoogan oo u dhexeeya Ciidanka dowladda gaar ahaan Haramcad iyo Al-shabaab.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay, ka gadaal markii Ciidanka Booliska Haramcad ay weerar ku qaadeen fariisimo Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaanka Basra iyo Beerta Cali Mahdi oo ku yaalla inta u dhxeeysa Balcad iyo Jowhar, sidaasina uu dagaalka ku bilowday.

- Advertisement -

Dad ayaa soo weriyey in dagaalka uu yahay mid xoogan oo labada dhinac isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, isla markaana la maqlayo dhawaqa rasaas dhaceysa, khasaaro ayaa ka dhashay dagaalka, in kastoo aan la ogeyn inta uu la egyahay.

Taliska Ciidanka Booliska Haramcad oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa ay ku sheegeen in ujeedka howlgalka laga wado deegaanka Basra iyo Beerta Cali Mahdi uu yahay Burburinta Maxkamad iyo goob Al-shabaab kaga sugan yihiin halkaas, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Al-shabaab ayaa dhankooda weli ka hadlin weerarka iyo dagaalkii dhacay, deegaano ku yaalla duleedka Balcad ayaa waxaa dhowr jeer qaraxyo lagula beegsaday gaadiid ay wateen Ciidanka ATMIS iyo kuwa dowladda Federaalka, waxaana kasoo gaaray khasaaro.

Latest stories