HomeWararAkhriso: Magacyada Rag Al-shabaab ku toogatay goob fagaare ah oo ku taalla...

Akhriso: Magacyada Rag Al-shabaab ku toogatay goob fagaare ah oo ku taalla J/Dhexe

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa goob fagaare oo ku taalla degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe waxaa ay ku toogatay rag ay ku eedeeyeen inay basaas u ahaayeen oo ay la shaqeynayeen dowladda Mareykanka, sida ay sheegtay Maxkamadda Al-shabaab. Shabaab ayaa gelinkii dambe ee shalay dadweyne farabadan isugu geeyay goobta uu ka dhacaayay xukunka dilka toogashada ahaa […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa goob fagaare oo ku taalla degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe waxaa ay ku toogatay rag ay ku eedeeyeen inay basaas u ahaayeen oo ay la shaqeynayeen dowladda Mareykanka, sida ay sheegtay Maxkamadda Al-shabaab.

Shabaab ayaa gelinkii dambe ee shalay dadweyne farabadan isugu geeyay goobta uu ka dhacaayay xukunka dilka toogashada ahaa ee lagu fuliyey illaa shan Nin oo lagu soo eedeeyay inay ka dambeeyeen duqeymo lagu dilay xubno ka tirsanaa Al-shabaab.

- Advertisement -

Ragga la toogtay ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Maxamed Cabdi Isxaaq, Cali Maxamed Cabdi, Qadar Khaliif Yoonis, Xudeyfi Cabdirisaaq Xasan, Maxamed Bile Xasan, kuwaasi oo  dhammaantood shabaab ay sheegeen inay qirteen falalka lagu helay.

Sida uu tilmaamay Sarkaal kamid ah Al-shabaab ee akhrinayey xukunka dilka toogashada ahaa, duqeymaha lagu dilay xubnihii Al-shabaab ayaa ka kala dhacay deegaano ka tirsan Gobollada Jubooyinka iyo Shabeellada Hoose.

Si kastaba Al-shabaab ayaa marar kala duwan waxaa ay sidaan oo kale xukuno dil toogasho ahaa ugu fulisay rag ay ku eedeeyeen inay basaasiin u ahaayeen sirdoonka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mareykanka, kana dambeeyeen duqeymo dhacay.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts