HomeWararAgaasimaha xiriirka Machadka Daraasaadka Jowhar oo ka qeyb galay Shir ka dhacay...

Agaasimaha xiriirka Machadka Daraasaadka Jowhar oo ka qeyb galay Shir ka dhacay Qatar

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Shirweynaha la dagaalanka dembiyada Maaliyadda ayaa maalintii shalay aheyd waxaa lagu qabtay Magaalada Dooxa ee Caasimadda dalka Qatar, Shirka ayaa waxaa kasoo qeyb galay mas’uuliyiin kala duwan oo ka kala socday dalalka Afrika iyo kuwa Carabta. Shirka ayaa inta uu socday waxaa diirada lagu saaray oo looga hadlay siyaabaha looga hortago dembiyada Maaliyadeed oo caalamka […]

- Advertisement -

Shirweynaha la dagaalanka dembiyada Maaliyadda ayaa maalintii shalay aheyd waxaa lagu qabtay Magaalada Dooxa ee Caasimadda dalka Qatar, Shirka ayaa waxaa kasoo qeyb galay mas’uuliyiin kala duwan oo ka kala socday dalalka Afrika iyo kuwa Carabta.

Shirka ayaa inta uu socday waxaa diirada lagu saaray oo looga hadlay siyaabaha looga hortago dembiyada Maaliyadeed oo caalamka ku sii kordhaya iyo sidii la isaga kaashan lahaa in meel looga soo wada jeesto arrimaha la xiriira dembiyada Maaliyadeed.

- Advertisement -

Shirka ka qabsoomay Magaalada Dooxa ayaa waxaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku matelayey oo uga qeyb galay Agaasimaha xiriirka caalamiga ah ee Machadka Daraasaadka iyo Arrimaha Bulshada Jowhar Mudane Xasan Cali Axmed.

Mudane Xasan Cali ayaa madasha Shirka ka jeediyey khudbad uu uga hadlay arrimo kala duwan oo ku aadan dembiyada Maaliyadda, wuxuuna sheegay in Soomaaliya ay caalamka intiisa kale uga baahi badan tahay la dagaalanka dembiyada maaliyadeed.

Wuxuu Agaasime Xasan tilmaamay in Soomaaliya ay ku badan yihiin arrimaha musuq maasuqa Maaliyadeed, isla markaana taas ay keentay in sanad kasta dalka Soomaaliya uu kaalinta koowaad ka galo musuqa Maaliyadeed.

- Advertisement -

“Shirkaan wuxuu muhiimad gaar ah u leeyahay dalkeenna Soomaaliya oo ay ka jiraan dhibaatooyin musuq-maasuq oo ragaadiyey shacabka, waxaa loo baahan yahay in shirarka noocaan oo kale lagu qabto dalka”  ayuu yiri Agaasimaha xiriirka caalamiga ee Machadka Daraasaadka iyo Arrimaha Bulshada Jowhar.

Agaasime Xasan Cali ayaa hay’addaha shirka qabtay ka codsaday in shirarka noocaan oo kale ah lagu qabto gudaha dalka Soomaaliya, si looga hortego dhibaatada musuqa maaliyadeed ee gaaray meel aan wanaagsaneynin.

Shirweynaha la dagaalanka dembiyada Maaliyadda ee ka dhacay Magaalada Dooxa ee Caasimadda dalka Qata ayaa qabashadiisa iska kaashaday Machadka Imtithaal iyo Ururka Qareennada Xisaabiyayaasha Qatar.

Machadka Daraasaadka iyo Arrimaha Bulshada Jowhar ayaa kaalin weyn ka qaatay horumarinta Waxbarashada dalka Soomaaliya, waxaana Maamulka Machadka ay Aradyda Soomaaliyeed ka taageeraan sidii ay waxbarasho wanaagsan uga heli lahaayeen Jaamacaddaha ku yaalla dalalka Caalamka.

Latest stories