HomeWararJarmalka oo magdhaw siinaya ehelada ciyaartoydii la dilay 50 sano ka hor

Jarmalka oo magdhaw siinaya ehelada ciyaartoydii la dilay 50 sano ka hor

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Jarmalka ayaa ogolaaday inuu magdhaw siiyo qoysaska ciyaartoy u dhashay dalka Israel oo la dilay xilli ay ka qayb-gelayeen ciyaarihii olombikada ee ka dhacay dalka Jarmalka sannadkii 1972-kii. Jarmalka iyo qoysaska ciyaartoyda dhintay ayaa ku heshiiyey in la bixiyo magdhow gaadhaya illaa $28 milyan oo dollar. Bishii la soo dhaafay, qoysaska ciyaartooydii la dilay ayaa […]

- Advertisement -

Jarmalka ayaa ogolaaday inuu magdhaw siiyo qoysaska ciyaartoy u dhashay dalka Israel oo la dilay xilli ay ka qayb-gelayeen ciyaarihii olombikada ee ka dhacay dalka Jarmalka sannadkii 1972-kii. Jarmalka iyo qoysaska ciyaartoyda dhintay ayaa ku heshiiyey in la bixiyo magdhow gaadhaya illaa $28 milyan oo dollar.

Bishii la soo dhaafay, qoysaska ciyaartooydii la dilay ayaa sheegay inaanay ku faraxsanayn dalabyada ugu dambeeyey ee la xidhiidha magdhowga ay bixinayso dawladda Jarmalku, iyaga oo sheegay inay qorsheynayaan inay qaadacaan xafladda lagu xusayo sannad guuradii 50aad ee ka soo wareegtay weerarka Munich, iyaga oo taas bedelkeeda ay doonayaan inay sameeyaan mudaharaad ay ku muujinayaan dareenkooda.

- Advertisement -

Dawladda Federaalka ee Jarmalka ayaa bixin doonta $22.5 million oo dollar, halka gobolka Bavaria uu isna bixin doono $5 milyan, Munich ayaa iyaduna bixinaysa $500,000 sida uu sheegay afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha gudaha ee Jarmalku.

Bishii September ee sannadkii 1972 waxaa madaxfurasho loo qabsaday koox ka socotay dalka Israel oo ka qaybgelaysay tartankii Olombikada ee caalamiga ahaa. Hase ahaate muddo 24 saacadood ah oo la is hortaagnaa iyo gurmad la doonayey in loo fidiyo kooxda la afduubay ayaa ku dambeeyey inay dhintaan 11 u dhashay dalka Israel, shan xubnood oo Falastiiniyiin ah iyo sarkaal ka tirsan booliska Jarmalka.

Latest stories