HomeWararTalyaaniga oo shaaciayy inuu ka qayb qaadanayo Gurmadka Abaaraha ee Soomaaliya

Talyaaniga oo shaaciayy inuu ka qayb qaadanayo Gurmadka Abaaraha ee Soomaaliya

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Ergeyga gaarka ah ee Arrimaha Gurmadka Abaaraha Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame, ayaa kulan aalada fogaan aragga kula qaatay Safiirka ku xigeenka dalka Talyaaniga ee u fadhiya Soomaliya Amb. Massimiliano Bertollo, Madaxa Arrimaha Bani’adannimada ee wasaarada Arrimaha Dibedda ee dalka Talyaaniga iyo Madaxa Agaasinka Afrika. Ugu horreyn, waxa ay ka wada hadleen shir doceedka heerka […]

- Advertisement -

Ergeyga gaarka ah ee Arrimaha Gurmadka Abaaraha Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame, ayaa kulan aalada fogaan aragga kula qaatay Safiirka ku xigeenka dalka Talyaaniga ee u fadhiya Soomaliya Amb. Massimiliano Bertollo, Madaxa Arrimaha Bani’adannimada ee wasaarada Arrimaha Dibedda ee dalka Talyaaniga iyo Madaxa Agaasinka Afrika.

Ugu horreyn, waxa ay ka wada hadleen shir doceedka heerka sare ee ay dowladda Talyaaniga qabanqaabinayso kaas oo lagu wado in uu ka dhaco New York inta uu socdo shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

- Advertisement -

Intaas kaddib, Ergeyga ayaa ka dhageystay safiirka iyo Madaxa Arrimaha Bani’aadannimada ee wasaarada Arrimaha Dibedda Dowladda Talyaaniga warbixin ku saabsan howlaha gargaar ee Dowladda Talyaaniga ka wado gudaha waddanka Soomaliya.

Md. Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa uga mahadceliyay Dowladda Talyaaniga si ay u garab taagan yihiin dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen.

Ergeyga ayaa sidoo kale ka codsaday in ay si dhaqso leh dib u billaabaan taakulaynta ay siin jireen cusbitalka Martiini, Cusbitalka Jowhar, Xudur iyo Dhuusamareeb, kuwaas oo lagu dabiibayo dad fara badan oo nafaqo darri ka dhalatay abaarta dalka la daala dhacaya.

- Advertisement -

Ugu danbeyn, Safiir ku xigeenka iyo Madaxa Arrimaha Bani’aadannimada Dowladda Talyaaniga, ayaa boggaadiyay dedaallada muuqda ee Dowladda Soomaaliya ay ku bixineyso Arrimaha Gurmadka Abaaraha iyo fududeynta ayaa u ballan qaaday Ergeyga in Dowladda Talyaaniga ay sii wadi doonto iska xilsaarista howlaha Gurmadka Abaaraha ee Soomaaliya.

Latest stories