HomeWararKhasaare ka dhashay Weerar Hoobiyeyaal ah oo lagu qaaday Degmooyin ka tirsan...

Khasaare ka dhashay Weerar Hoobiyeyaal ah oo lagu qaaday Degmooyin ka tirsan G/Banaadir

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Jugta madaafiic xoogan ayaa xilli lagu jiray salaadii subax ee saaka laga maqlay degmooyin ka tirsan Gobolkaan Banaadir, waxaana kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah. Illaa shan madfac oo jugtooda la maqlay ayaa kusoo dhacay xaafaddo ka tirsan Boondheere iyo Cabdicasiis, saddex kamid ah ayaa ku dhacay xaafadda Busley, agagaarka Daljirka daah-soon iyo Isgoyska Shabeelle, […]

- Advertisement -

Jugta madaafiic xoogan ayaa xilli lagu jiray salaadii subax ee saaka laga maqlay degmooyin ka tirsan Gobolkaan Banaadir, waxaana kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah.

Illaa shan madfac oo jugtooda la maqlay ayaa kusoo dhacay xaafaddo ka tirsan Boondheere iyo Cabdicasiis, saddex kamid ah ayaa ku dhacay xaafadda Busley, agagaarka Daljirka daah-soon iyo Isgoyska Shabeelle, halka mid kalena uu ku dhacay qeyb kamid ah degmada Cabdicasiis.

- Advertisement -

Khasaaro ayaa ka dhashay hoobiyeyaasha saaka lagu garaacay qeybo kamid ah degmada Boondheere, dhowr qof ayaa la xaqiijyey inay ku dhaawacmeen madfaca ku dhacay xaafadda Busley oo ay degan yihiin dad shacab ah.

Waxaana wararka qaar ay sheegayaan in  hal qof uu ku dhintay weerarka hoobiyeyaasha ah ee xalay lagu soo qaaday qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Gaadiidka gurmadka deg-dega ah ayaa durbadii gaaray goobaha ay ku dhaceen madaafiicda, isla markaana waxaa lagu daad-gureeyay dadka waxyeelada kasoo gaartay madaafiicda, kuwaasi loo qaaday Isbitaalo.

- Advertisement -

Laamaha ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli hadlin madaafiicda arroornimadii hore ee saaka oo khamiis ah kusoo dhacay degmooyinka Cabdicasiis iyo Boondheere ee Gobolkaan Banaadir.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda wararkan, inkasta oo Al-Shabaab ay inta badan sheegato mas’uuliyadda weerarrada noocan ah.

Latest stories